Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta goob-joog ka noqday dhaarinta wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland Mudane, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo dhowaan xilkaan uu Madaxweynuhu u magacaabay.
Dhaarinta ka dib, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wasiiru dowlaha kula dardaarmay inuu si wanaagsan u guto shaqada loo igmaday, wuxuuna alle uga baryey inuu xilka u fududeeyo.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.