Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa maanta tababar la xiriira dardargelinta shaqada xafiisyada dowladda u qabatay 6 agaasime waaxeed oo dhowaan loo qaatay Madaxtooyada iyo hay’adda shaqaalaha rayidka ah iyo sidoo kale xoghayno loo qaatay mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista dowladda Puntland ee Capacity Injection Project (CIP), kuwaas oo ka hawl-geli doona Wasaaradda Shaqada, Hay’adda Shaqaalaha rayidka ah iyo Jaamacadda PSU.

Agaasime waaxeedyadaan cusub ee la shaqaalahaysiiyey ayaa kamid ah 60 boos oo cusub oo ay horay u shaacisay dowladda Puntland in ay qaadanayso, kuwaas oo 54 kamid ah ay ahaayeen Madaxqaybeedyo isla markaana ay hadda si rasmi ah uga hawl-galaan xafiisyada dawladda.

Barni Ciise Axmed oo ah Agaasimaha Waaxda shaqaalaha ee Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo kulanka ugu horrayn kelmed soo dhoweyn ah ka jeedisey ayaa sharraxday ujeedka tababarka iyadoona sheegtay in gundhiggiisu yahay dardargelinta shaqada iyo shaqaalaha dawladda.

Axmed Diiriye oo ah kusimaha Madaxa Mashruuca Tayaynta iyo shaqo qorista ee CIP ayaa tilmaamay in mashruucaan uu Bangiga adduunku ka caawinayo dowladda Puntland uu yahay ujeedkiisu sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dowladda isla markaana ay u heli lahaayeen xuquuqdooda si loogula xisaabtamo waajibaadkooda.

Ugu dambayn, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha dowladda Puntland Cabdirisaaq Shire Ismaaciil ayaa sheegay in shaqaalihii dhowaan la qaatay ay wax badan ka beddeleen shaqooyinka xafiisyada dawladda isla markaana laga rajeynayo agaasime waaxeedadaan cusubi in ay udub dhexaad u ahaan doonaan hore-usocodka shaqaalaha dawladda.

Sidoo kale wasiirku waxa uu ku tilmaamay agaasime waaxeedadaan cusub  in ay nasiib badan yihiin isagoona sabab uga dhigay in ay xafiisyada ugu tegi doonaan shaqaale tayo leh, kuwaas oo lagu soo xulay aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda.

DSC_0284 DSC_0286 DSC_0289 DSC_0290 DSC_0292 DSC_0295 DSC_0297 DSC_0299 DSC_0304 DSC_0308