Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. Hodon Siciid Ciise ayaa maanta June 22 2016 waxay caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe uga qayb gashay munaasabad lagu daah furayey Xarunta Cilmi Baarista Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay (Research Center Transitional Justice and Trauma Healing for Peacebuilding “ TJC”) , waxayna xaruntaani ka howl geli doontaa gudaha dalka iyadoo cilmi baaris ka samayn doonta tacadiyadii kala duwanaa ee ka dhacay Soomaaliya.

Barnaamijkan lagu yagleelayo xaruntan cilmi baarista loogu samaynayo Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay “ TJC” waxaa iska kaashanaya oo si wada jir ah u daadihinaya Marwada Madaxweynaha Dawladda Puntland Prof. Hodon Siciid Ciise iyo Ms Fowsiya Abdulqadir oo ah aqoon yahano cilmi baaris ka sameeyey xaalado badan oo khuseeya arrimaha bulshada.

Madasha waxaa kasoo qayb galay golayaasha kala duwan ee Dawladda Puntland, aqoon yahano, ururrada haweenka, dhalinyaro, culimaa’udiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Puntland, waxayna si isku mid ah u taageereen qorshaha ay wado Xarunta Cilmi Baarista Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay Research Center Transitional Justice and Trauma Healing for Peacebuilding “ TJC” ), waxayna su’aalo kala duwan wadiiyeen aqoon yahanada soo qaban qabiyay daah furka xaruntan cusub.

Xarunta Jaamacadda PSU ayaa ahayd goobta ay ka dhacday madashani, waxaana khudbado kala duwan kasoo jeediyay Gudoomiyaha Jaamacadda PSU Max’uud Sheikh Xaamud, Wasiirka Waxbarashada Punland Dr Abshir Aw Ciise, Prof Hodon Siciid Ciise iyo Ms Fowsiya Abdulkadir.

Sidoo kale, waxaa madasha bar bar socday taba bar ay labadan aqoon yahan siinayeen ardayda iyo aqoon yahanka kala duwan ee Puntland, iyagoo si dhab ah usoo bandhigay muhiimada ay bulshada Soomaaliyeed u leedahay in la helo xarun cilmi baaris oo noocan oo kale ah, waxayna su’aalo kala duwan hor dhigeen ardaydii iyo aqoon yahankii kala duwanaa ee madasha kasoo qabgalay, waxaana su’aalahaasi qaab wada jir ah uga jawaabay dadkii ka qayb galay madasha, Waa markii ugu horraysay oo xarun noocan oo kale ah laga hiregliyo Soomaaliya, waxaana si weyn looga rajo qabaa in xaruntaasi ooh ore u tallaabsato isla markaana natiijo ka gaarto sidii ay cilmi baaris ugu samayn lahayd Tiiraanyo Bixinta iyo Xal u Helidda Dhibaatooyinkii Dhacay .

–DHAMMAAD–

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

IMG_3445

IMG_3447

IMG_3450

IMG_3454

IMG_3461

IMG_3462

IMG_3463

IMG_3472

IMG_3473

IMG_3478

IMG_3483

IMG_3492

IMG_3498

IMG_3503

IMG_3507

IMG_3509

IMG_3512

IMG_3517

IMG_3518

IMG_3523

IMG_3527

IMG_3532

IMG_3533

IMG_3535

IMG_3536

IMG_3539

IMG_3542

IMG_3543

IMG_3544

IMG_3552

IMG_3555

IMG_3557

IMG_3559

IMG_3561

IMG_3563

IMG_3582

IMG_3583

IMG_3589

IMG_3592

IMG_3594

IMG_3595

IMG_3600

IMG_3601

IMG_3602

IMG_3603

IMG_3609

IMG_3611

IMG_3613