Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada Abu-dhabi ee caasimada wadanka isu-tagga imaaraadka carabta, kadib markii madaxweynuhu ka helay martiqaad rasmiya.

Madaxweynaha Dawlada Puntland oo safarkiisa maanta kasoo bilaabay magaalada Muqdisho oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa , kadib markii halkaasi uu u tegay ka qaybgalka shirkii madasha wadashiga qaranka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha oo kusoo hakaday mudo kooban garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.ayaa intii uu ku sugnaa Boosaaso Internationla Airport kula hadlay qolka nasashada warbaahinta qaybaheeda kala duwan isagoona sheegay in shirkii madasha wadatashiga qaranka ee uu kaga qayb galay magaalada muqdisho uu kusoo dhamaaday jewi wanaagsan, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo taabegelinta doorashooyinka Soomaaliya ee fooda inagu soo haya.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali gaas ayaa mar uu ka hadlayey socdaalkiisan ku wajahan wadamada isu taga imaaraadka carabta waxaa uu sheegay in Dawladda imaaraadka carabtu ay u fidisay martiqaad rasmi ah kaas oo looga gol leeyahay wanaajinta iyo kor uqaadida xidhiidhka u dhaxeeya Puntland iyo wadamada isutaga imaaraadka carabta.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo markii diyaaradii khaaska ahayd ee siday soo gaadhay garoonka caalamiga ah ee Abu-Dhabi International Airport ayaa halkaasi waxaa loogu soo dhaweeyey si diiran ila markaana qadar yar oo nasosho ah ku qaatay qolka martida, kadib loo sii gelbiyey Hotel ka caalamiga ah ee ” THE RITZ-CARLTON”, halkaasoo uu madaxweynuhu ku sugnaan doono tan iyo inta ay soo gebageboobayso booqashadan rasmiga ee ku joogo wadamadaasi isutaga imaaraadka carabtu.

Madaxweynha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa safarkiisa shaqo waxaa ku weheliya Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo Ladagaalaka Budhacad Badeeda Cabdillaahi Saalax Jaamac, Aagaasimaha Hay;ada PIA Cabdirisaaq Ciise Xuseen iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kulamo la qaadan doona maalamaha fooda inagu soo haya madaxda sare ee wadamadaasi isutaga imaaraadka carabka, isla markaasina ay ka wada hadli doonaan xoojinta iyo wanaajinta xidhiidhka dhinacyada siyaasada, dhaqaalaha iyo horumarinta arimaha bulshada.

–DHAMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

IMG_0611

IMG_0612

IMG_0617

IMG_0620

IMG_0623

IMG_0624

IMG_0625

IMG_0626

IMG_0628 (1)

IMG_0628

IMG_0629

IMG_0631

IMG_0632

IMG_0633

IMG_0634

IMG_0636

IMG_0638

IMG_0639

IMG_0640

IMG_0641

IMG_0642

IMG_0644

IMG_0645

IMG_0652

IMG_0656

IMG_0659

IMG_0663

IMG_0665

IMG_0666