Hordhac

Dawladda Puntland ee Soomaaliya waxay Bangiga Adduunka ka heshay maalgalinta kharashyada Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Soomaaliyeed, waxayna damacsan tahay in ay qayb maalgalintaas ka mid ah u isticmaasho fulinta ama dhaqan galinta kor u qaadidda awoodda shaqaalaha oo ah fikrad ay bilowday Dawladda Puntland, isla markaana ay ugu talo gashay in xirfadaha, aqoonta iyo khibradaha sida deg degga ah/daruuriga ah loogu baahan yahay in loogu gudbiyo Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee mashruucaan qaybta ka ah ee shaqaalaha rayidka ah ee Puntland. Dawladda Puntland waxay doonaysaa in ay u qaadato Agaasime Waaxyeedyo Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee mashruucan ka faa’iideysanaya iyadoo taasi ay qayb ka tahay dib u habaynta weyn ee lagu samaynayo shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliyeed iyadoo shaqaale sar-sare oo u qalma, hawlkar ah oo dhanka maamulka ah lagu xoojinayo.

Jagooyinkaasna waxaa lagu wadaa in ay kor u qaadaan awoodda shaqaalaha rayidka ah maadaama Hay’adaha mashruucaan ka faa’iideysanaya lagu xoojinayso shaqaale buuxinaya jagooyinka sar-sare ee shaqaalaha rayidka ah iyo hawlaha guud ahaaneed ee dawladda (kuwaas oo ah hawlaha ay wadaagaan ama ka dhexeeya dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale).

Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Puntland waxay soo dhaweyneysaa isla markaana ay qabanaysaa codsiyada dadka u qalma jagooyinka liiskoodu kor ku taxan yahay.

Wixii xog dheeraad ah ama faahfaahin ah ee la xiriirta shaqooyinkaan waxaad ka heli kartaa: http://www.plstate.so iyo cinwaanka hoos ku qoran saacadaha u dhexeeya 9-ka subaxnimo ilaa 4-ta galabnimo.

Dadka u qalma ee shaqooyinkaan loo qaadanayo, waxaa lagu soo xulanayaa si waafaqsan Mashruuca Tayaynta iyo nidaamyada iyo hab-raacyada shaqo qorista ee u dagsan Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Puntland.

Codsiyada Danaynta/Codsiyada shaqada iyo lifaaqyada la socda: Foomka codsiga shaqada ee Mashruuca Tayaynta, Taariikhda Shaqada qofka ama CV-giisa, labo qof oo qofkaas yaqaan (referees) iyo koobiyada shahaadooyinka waa in lagu soo diraa ama gacanta lagu keenaa cinwaannada hoos ku qoran (iyadoo gacanta lagu keenayo ama boostada amase iimeyl loogu soo dirayo: recruitment.csc@plstate.so isla markaana koobi dheeraad ah loo dirayo: csc@plstate.so maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu tahay 29 ka Juulaay, 2017 ilaa 3da galabnimo maalinta taariikhdu ay tahay 25ka Agoosto 2017. Xafiiska Hay’adda Shaqaalaha Rayidka oo ku dhaggan Hoteelka Rayan Park Hotel, kana soo horjeeda Xafiiska DDG, Waddada Galoobal, Garoowe, Puntland, Somalia.

Ku:
Guddoomiyaha
Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Puntland
Garowe, Puntland, Somalia
00252-90-7264776