Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa todobaadkan looga hadlay xaaladda Roobabkii ka da’ay gobolka Gardafuu iyo sidii muddo saddex cisho gudaheed ah loo gaadhsiin lahaa caawimaad deg deg ah shacabka deegaanadaasi.
Sidoo kale Golaha waxaa looga hadlay Guddiyada Golaha Xukuumadda oo isu diyaarinaya in ay Baarlamaanka uga warbixiyaan waxqabadka Xukuumadda 9-kii bilood ee lasoo dhaafay, Digniinta Dowladda ee Roobab Dabaylo wata oo la saadaaliyey in ay kusoo waajahanyihiin xeebaha Puntland iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha Puntland.
=DHAMMAAD=