Kulan looga arrinsanayey sidii loo dejin lahaa siyaasadda tayada shaqo gudashada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta ka furmay Garoowe waxaana shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Jaamac Xirsi Faarax waxaana kasoo qayb galay wakiillo meteleyey dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland.

Shirka ayaa dabo joogey mid isaga ka horreeyey oo looga arrinsanayey sidii loo samayn lahaa nidaam lagula socda shaqo gudashada shaqaalaha dawladda si loo kala saaro shaqaalaha ku habboon shaqada ay hayaan isla markaana loo dallacsiiyo ama loogu beddelo meesha uu ku habboon yahay.

Latashi dheer kadib dooddii waxaa laga sameeyey siyaasad isla markaana waxaa maanta dib loogu soo celiyey wakiillada dawladda si ay uga doodaan  marka isla markaana ay uga soo baxdo siyaasad cad oo laysku raacsanyahay taas oo iyadu gundhig u noqon doonta hufnaanta shaqaalaha.

Shirkaana ayaa waxaa iska kaashaday Hay’adda shaaqaalaha rayidka ah iyo xafiiska xiriirka Mashruuca CIP ee PCU waxaana qayb ka ahaa khuburo caalami ah oo ka socdey Baanka adduunka kuwaas oo dawladda kala shaqaynaya dejinta siyaasadahaan muhiimka u ah dawladda.DSC_0484 DSC_0485 DSC_0488 DSC_0491 DSC_0492 DSC_0495 DSC_0497 DSC_0498 DSC_0502 DSC_0503 DSC_0506 DSC_0508 DSC_0509 DSC_0517 DSC_0523 DSC_0524 DSC_0527 DSC_0530 DSC_0534 DSC_0536 DSC_0537 DSC_0540 DSC_0544 DSC_0549 DSC_0557 DSC_0559 DSC_0562 DSC_0563 DSC_0566 DSC_0575 DSC_0579 DSC_0581 DSC_0582 DSC_0584