Shir looga hadlayey dib u eegista qorsheyaashii Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda Puntland ee saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa maanta lagu qabtay xarunta Wasaaradda Qorshaynta  waxaana kasoo qayb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada, Agaasimaha guud Wasaaradda Qorshaynta, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland.

Sidoo kale shirka waxaa looga arrinsanayey qorsheyaasha  la doonayo in la qabto saddexda bilood ee soo socda ee hay’adaha fulinta ee mashruuca oo ka kooban Madaxtooyada, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah kuwaas oo iyagu doorka fulineed ee Mashruuca.

Nuxurkii shirka ayaa kusoo uruuray sidii loo dardar gelin lahaa mashruuca iyo sidii looga faaiideysan lahaa caqabadihii lasoo gudboonaadey mashruuca saddexdii bilood ee lasoo dhaaafay looguna tallaabsan lahaa guulo la taaban karo.IMG_7759 IMG_7761 IMG_7764 IMG_7765 IMG_7766 IMG_7773 IMG_7774 IMG_7775 IMG_7777 IMG_7798 IMG_7799 IMG_7801 IMG_7803 IMG_7804