Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta Tababar soconayey muddo toban beri ahi ugu soo xirmay Xarunta Jaamacadda Puntland State waxaana Tababarkaasi qabanayey  Mac-hadka Tababarka shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda Institute of Public Administration and Management (IPAM) iyo Jaamacadda PSU oo  iyadu martigelinaysa Mac-hadka (IPAM) maadaama aanu weli dhammay tirmin dhismaha Mac-hadku.

Tababarkaan ayaa isugu jirey labo qaybood oo kala ah ToT’s oo shaqaalaha dawladda qayb kamid ah loo diyaarinayey inay iyagu noqdaan tababareyaal, kuwaas oo dawladda ka caawin doona tababarka shaqaalah, halka  qaybta labaadna ahayd Tababar heer sare ah oo lasiinayey shaqaalaha rayidka ah ee dawladda (Advanced Level Traininig).

Muddadii uu tababarkaani soconayey ayaa shaqaalaha rayidka ah ee dawladda waxaa lagu tababarayey koorsooyinka kala duwan oo muhim u ah shaqada ay dawladda u hayaan (short Courses) kuwaas oo lagu salaynayey qof walba  cilmigii uu markii hore soo bartay isla markaana uu dawladda ugu shaqeeyo.

Shaqaalahaan tababarka loo qabtay ayaa waxay ka koobnaayeen  boosaska  kala ah  Madaxqaybeedada Human Resource, Finance, Procurement, Monitoring & Evaluation, Information and Communication Technology  iyo Policy Planning and Research ee dhammaan xarumaha kala duwan ee dawladda.

Guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State Mudane Maxamuud Shiikh Xaamud oo ugu horrayn munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa diiradda ku saaray hadalkiisa qiimaha ay leedahay aqoontu iyo sida ay muhiimka ugu tahay shaqaalaha dawladda Inay ka faa’iideystaan cilmigii ay halkaan ku qaateen.

Agaasimaha guud ee Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladda Mudane Warsame Maxamud Xasan oo isaguna munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu tababarkaani u leeyahay shqaalaha dawladda isagoona xusay inay ku dabo geli doonaan shaqaalaha dawladda cilmigii la baray siday ugu faa’iideeyaan shaqaalaha kale ee ay uga yimaadeen xafiisyada dawladda.

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mudane Jaamac Xirsi Faarax ayaa kula dar-daarmay shaqaalaha rayidka ah ee dawladda inay ka dhabeeyaan taabba-gelinta cilmigii ay barteen, taas oo la doonayo in si dhaqso ah looga dareemo xafiisyada  dawladda marka ay ku laabtaan.

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdinaasir Biixi Soofe ayaa isaguna ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in shaqaalaha dawladdu ay helaan tababarro dheeraad ah isagoo tusaale u soo qaatay waddamada hore-umaray dhammaantood inay laf dhabar ka dhigteen tayanta iyo tababaridda shaqaalahooda, taasina ay dhaxalsiisay guulaha waaweyn ee ay gaareen.

Ugu dambayn Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dawaladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Axmed oo soo xiray Munaasabadda ayaa ku dheeraaday dedaalkii ay xukuumaddu u gashay barnaamijka tayaynta shaqalaaha, kaas oo kamid ahaa ballan qaadkii Madaxweynaha isla markaana maanta noqday mid si weyn loogu guuleystey.

Ugu dambayn Wasiirka ayaa kula dardaarmay shaqaalaha inay si daacadnimo iyo waddaniyadi ku jirto ugu adeegaan bulshada isagoona u ballan qaaday in ay heli doonaan dallacsiin ay ku mutaysteen hawl-karnimadooda, isagoona ugu dambayn  guddoonsiiyey shahaadooyin caddaynaya cilmiga ay barteen.DSC02752 DSC02753 DSC02756 DSC02757 DSC02759 DSC02762 DSC02765 DSC02766 DSC02768 DSC02769 DSC02771 DSC02773 DSC02776 DSC02780 DSC02781 DSC02787 DSC02791 DSC02798 DSC02800 DSC02805 DSC02806 DSC02808 DSC02817 DSC02820 DSC02822 DSC02827 DSC02828 DSC02830 DSC02832 DSC02836 DSC02837 DSC02839 DSC02845 DSC02849 DSC02851 DSC02856 DSC02859 DSC02861 DSC02865 DSC02867 DSC02868 DSC02869 DSC02870 DSC02871 DSC02872 DSC02874 DSC02879 DSC02881 DSC02885 DSC02888 DSC02892 DSC02893 DSC02897 DSC02920 DSC02923 DSC02926 DSC02929 DSC02945 DSC02948 DSC02949 DSC02954 DSC02956 DSC02958 DSC02961 DSC02965 DSC02967 DSC02970 DSC02973 DSC02975 DSC02977 DSC02979 DSC02984 DSC02987