Kulankaan oo saaka ka furmay Xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa waxaa looga hadlayey furitaanka wejiga saddexaad ee dib u casriyaynta iyo dib u qaabaynta hay’adaha dawladda iyo wasaaradaha dawladda ee aan qaybta ka ahayn labadii weji ee hore.

Wasaaradaha dib u eegista lagu samaynayo ayaa waxaa kamid ah Wasaaradaha kala ah  Dastuurka, Warfaafinta, Caddaaladda, Duulista Hawada, Ganacsiga iyo Wasaaradda  Dib udhiska sidoo kale waxaa kamid ahaa hay’adaha kala ah  Hay’adda Biyaha, Waddooyinka, Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud iyo Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladda.

Ujeedada laga leeyahay barnaamijkaan ayaa ah tayaynta  hay’adaha dawladda ee aan markiii hore nasiibka u yeelan in dib u casriyayn lagu sameeyo si’ay uga faa’iideystaan mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee CIP ee uu Baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland.

Hore ayaa dib u qaabayn iyo dib u casriyayn waxaa loogu sameeyey dhowr iyo toban hay’adood oo kamid ah hay’adaha dawladda kuwaas oo muujiyey isbeddello mugle oo dhanka tayada shaqaalaha iyo midda shaqadaba la xiriirta ah kadib markii lagu sameeyey dib u casriyaynta.

 

DSC_0180 DSC_0185 DSC_0187 DSC_0188 DSC_0190 DSC_0191 DSC_0192 DSC_0193 DSC_0197 DSC_0201