Project Description
Madaxweynaha dowladda Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xariga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga fuliyay gobolka Nugaal iyo kuwo horleh oo uu dhagax dhigay.
Madaxweynaha ayaa si rasmi ah ufuray buundada Midigar ee kutaala tuulada Sunijiif halkaas oo shantii bilood ee ugu dambeysay lagu waday dhismo kadib markii ay buundadu ku go’day roobabkii duufanada watay ee sanadkii hore ka da’ay qaar kamid ah gobolada Puntland.
Isagoo ka hadlayay madaxweynuhu dhismaha buundada wuxuu sheegay inay tilmaam buuxda u tahay in shacabka iyo dowladda Puntland awood uleeyihiin inay iyagu dhistaan dalkooda iyagoo aan cidna gacanta u hoorsan.
” Haddaan dhismaha buundadaan la sugi lahayn gacmo shisheeye ama hay’addo labo waxyaalood way dhici lahaayeen. Mida koowaad waqtigii aanu baahida qabnay waxba inooma keeneen hay’adduhu. Mida labaad buundadaan haddii la yiraahdo ajnabi ha dhiso waxaa la oran lahaa waxaa ku baxaysa 10 malyan oo ah qaab farsamaysan oo xoolaha masaakiinta dhexda looga bixiyo, ” ayuu yiri madaxweynuhu.
Madaxweynaha wuxuu isla goobta kaga dhawaaqay in loo diyaar garoobayo mashruuc balaaran ku baxayo $200.000 malyan oo wax looga qabanayo wadooyinka burbursan ee kuyaala gobolada Puntland iyo furitaanka wadooyin cusub. Wuxuuna ugu baaqay shacabku inay ka dhabeeyaan isku tashigooda isagoo sheegay dowladdu inay ku hormarayso qarashaadka lagu bilaabayo mashruucaan.
Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka ee dowladda Puntland Cabdi Rashiid Maxamed Xirsi oo ah gudoomiyaha gudiga dhismaha buundooyinka ayaa sheegay inay haatan kadib culays u arkidoonin sida looga gudbi lahaa arin walba oo lasoo gudboonaata shacabka iyo dowladda Puntland.
Buundada Midgar ayaa si caadi ah loo isticmaalidoonaa 50-ka sano ee soo socda iyadoo qaadi karta culays ka badan 90 tan sida ay sheegeen Ingineeradii dhisay buundada oo goobta ka hadlay.
Dhinaca kale madaxweynaha dowladda Puntland ayaa xariga ka jaray barxada labaad ee Garowe, dhismaha taribuunka cusub ee ay berito ka qudbayndoonaan madaxda dowladda xaflada kowda August, isagoona sidoo kale dhagax dhigay labo wado oo laami la saarayo kuwaas oo mid kamid ah loogu magacdaray allaha unaxariistee Dr Cabdi Xasan Jimcaale oo ahaa wasiirkii hore ee dastuurka Puntland.
Ugu dambayn madaxweynaha iyo waftigii la socday waxay booqdeen MCH-ka tuulada Sunijiif oo gabi ahaanba maalmo kahor gubatay. Waxaana halkaasi ku basbeelay dhammaan daawooyinkii iyo qalabkii yaalay gudaha xaruntaan . Inkastoo uusan jirin qasaare nafeed. Wuxuuna madaxweynuhu gudi usaaray sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada gaartay MCH-ka.
Mashaariicaha laga fuliyay gobolka iyo kuwa haatan la dhagax dhigay waxya kusoo beegmayaan iyadoo maalinta berito loo dabaal dagayo sanad guuradii 16-aad ee kasoo wareeganaysa markii la’aas aasay dowladda Puntland sanadkii 1998.