Garoowe: 17 November 2019 : Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Hayádda laanqayrta cas ee ICRC oo uu hogaaminayo Madaxa ICRC ee dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya  Mr Juerg Eglin.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda, wuxuuna kadib ka dhegaystay warbixin ay ka siiyeen halka ay marayaan howlaha gargaar iyo bani’aadanimo ee ay ka wadaan deegaanada Puntland.

“Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u sheegay Madaxda Hayádda ICRC in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka yimaada iyo sidii looga jawaabi lahaa sida ay u kala muhimsanyihiin” Ayuu yiri Jaamac Dabaraani, Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Kulanka Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash iyo Madaxa Hayádda laanqayrta cas ee ICRC Mr Juerg Eglin waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa ICRC ee Puntland Emmanuel Lippolis, iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

 

1P8A9762 1P8A9766 1P8A9769 1P8A9774

DIRECTORATE OF MEDIA COMMUNICATION OFFICE OF THE PUNTLAND STATE HOUSE.


XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

This message and any attached documents may contain confidential and/or privileged information from Puntland Government. If you are not the intended recipient, please do not read, copy, distribute, or use this information in any manner. If you have received this transmission in error, please notify the sender immediately by reply e-mail and then delete this message