Garoowe Sep, 22, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa tababar usoo xidhay 250 Askari oo ka tirsan ciidanka Birmadka Madaxtooyada dowladda Puntland oo muddo 8-bilood ah uga socdey xerada 54-aad ee taliska ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

Xidhitaanka tababarkani ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Taliyaha Ciidanka Daraakiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska, Guddiga La-taliyayaasha Arrimaha Ciidanka ee Madaxweynaha, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, Taliyaha Ciidanka Birmadka Madaxtooyada, saraakiil ka tirsan ciidanka Daraashiishta Puntland iyo masuuliyiin kale.

Ciidanka Birmadka ee maanta tababarku usoo xidhmay ayaa soo bandhigay xirfadaha iyo xeeladaha ciidanka, tabta difaaca xuduudaha dalka ee ka hortagga cadawga, sugidda amniga Madaxda, suggidda amniga shacabka, baadhitaanka goobaha ay ka dhacaan hawlgaladu, xeeladaha ka hortagga cadawga shacabka kusoo dhex-dhuunta, ad-adayg, edaab ‘’Asluub’’, ka hortagga xaa1 1P8A0345 1P8A0372 1P8A0425 1P8A0463 1P8A0483 1P8A0496 1P8A0514 1P8A0527 1P8A0544 1P8A0552 1P8A0560 1P8A0580 1P8A0593 1P8A0617 1P8A0630 1P8A0650 1P8A0681 1P8A0685 1P8A0693 1P8A0707 1P8A0741 1P8A0767 1P8A0780 1P8A0788 1P8A0798 1P8A0804 1P8A0834 1P8A0865 1P8A0876 1P8A0888 1P8A0893 1P8A0903 1P8A0944ladaha deg-degga ah iyo xirfado kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo usoo xidhay tababarkani ciidanka ayaa bogaadiyey dedaalka dheer ee masuuliyiinta ciidanku ku bixiyeen dhismaha iyo tababarka xirfadaysan ee ciidanku maanta soo bandhigeen.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in farxaddani iiraacdo  farxaddii 01 Ogoosto 2019 sanadguuradii 21-aad oo aan aragnay cududda iyo xirfadda ciidankeena, waxaanna is leeyahay cadawgii Puntland isagoo awelba calool xumo qabey maanta ayaa ciidamada Puntland Adhaxda ka jebiyeen, ciidankani waxay ku guulaysteen tababarkoodii, waxaan faraynaa oo kula dardaarmaynaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraashiishta In tababarka ciidanka la joogteeyo oo la dedejiyo xeryahooda iyo ruggata ciidanka” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shahaadooyin Guddoonsiiyey macalimiinta ciidanka tababarayey iyo ciidanka kaalmaha hore ka galay tababarka ciidanka mudadii uu socdey.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLND.