Garoowe, Ogoosto, 07, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Koormeer shaqo oo muhiimaddsii ahayd korjoogtaynta hannaanka shaqooyinku u socdaan ku tegay qaar kamida Wasaaradaha dowladda Puntland ee caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa kormeerkan ku maray sadex Wasaaradood, iyadoona Wasaaraddahaasi ay ku sugnaayeen, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuquraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Wasiir ku-xigeeno, Wasiiru Dowlayaal, Agaasimayaal iyo shaqaalaha Wasaaradahaasi.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo warbixino ka dhegaystay masuuliyiintan kala duwan ayaa bogaadiyey shaqada muuqata ee ay u hayaan shacab waynaha Puntland, waxaana uu kula dar-daarmay inay sii laba jibbaaraan.

-DHAMMAAD

XAFIISKAWARFAAFINTAMADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

1O1A7738 1O1A7742 1O1A7790 1O1A7791 1O1A7793 1O1A7796 1O1A7799 1O1A7839 1O1A7841 1O1A7847 1O1A7848 1O1A7851