Garoowe Sep, 10, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeer shaqo ku tegey Bangiga Dhexe ee Dowladda ee caasimadda Garoowe iyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa daaranaa korjoogtaynta sida ay u socoto shaqada muhiim ka ah ee ay hayaan xarumahaasi, Ku-simaha Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa ka bilaabay Bangiga Dhexe ee dowladda, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta Bangiga iyo hawl-wadeenada Bangiga oo ku gudajira shaqadooda, waxa uu booqday dhammaan xafiisyada ay ka kooban tahay xaruntu.
Guddomiyaha Bangiga Cabdicasiis Ismaaciil Boos ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cimaan Karaash uu ku tegey Bangiga iyo kulan gaar ah oo ay wadaqaateen.

“Waxaa maanta kormeer noogu yimi Bangiga Dowladda Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, booqashada Madaxweynaha ayaa qayb ka ahayd kormeer uu ku samaynaayey hay’addaha Dowladda, wuxuu soo kormeeray waaxyaha, qaybaha, dhismayaasha iyo laamaha Bangiga”

“Intaasi markii ay soo idlaatay waxaanu Madaxweynaha wada-qaadanay shirgaara ah, waxaanu siinay warbixino la xiriira sida ay shaqadu u socoto iyo sidii Bangiga loo casriyeynlahaa si uu ula jaanqaado Bangiyada kale” Ayuu yiri Guddomiyaha Bangiga Dowladda Cabdicasiis Ismaaciil Boos.
Sidoo kale Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray Taliska ciidanka Booliska Puntland ee caasimadda Garoowe, waxaana halkaasi kusoo dhoweeyey Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen.

Muxiyadiin Axmed Muuse, Ku-xigeenadiisa iyo taliyaha qaybta gobolka Nugaal G/Sare Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxa uu intaasi kadib kulan gaar ah la qaatay masuuliyiintaasi iyo hogaanada kale ee ciidanka Booliska Puntland.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

 

 

 

 

 

1O1A4647 1O1A4706 1O1A4711 1O1A4733 1O1A4758 1O1A4787 1O1A4792 1O1A4844 1O1A4856 1O1A4864 1O1A4877 1O1A4887 1O1A4890 1O1A4938 1O1A4954 1O1A4967 1O1A4971 1O1A4974 1O1A4979 1O1A4995 1O1A5002 1O1A5013 1O1A5037 1O1A5041 1O1A5047 1O1A5087