Garoowe, Nov, 03, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay sagootinta wejiga 1-aad ee Gurmadka Puntland ee walaalaha Baladweyne.

Sagootinta Gurmadka reer Putland ee walaalaha Baladweyne ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Wakiillada, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, dhallinyarada qaybta ka ahayd Gurmadkaasi, samafalayaal iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay munaasabad kooban oo lagu dhiirigelinaayey dhallinyarada iyo masuuliyiinta dedaalka, wakhtiga iyo damqashada u muujiyey walaalahooda Soomaaliyeed ee reer Baladweyne, soona ururiyey Gurmadka wejiga koowaad ee maanta la sagootiyey ayaa mahadbalaadhan usoo jeediyey dhallintaasi iyo samafalayaasha reer Puntland ee shancisho aan ka hadhsan dedaalkaasi, waxaana uu ka tacsiyeeyey khasaaraha naf iyo maalbaleh ee ka dhashay fatahaada webiga Shabeelle.

“Waxaan halkan isugu nimi inaan u dirno Gurmadkii ugu horeeyey ee Puntland ay ku kaalmaynayso walaalahooda reer Baladweyne. Ugu horayn tacsi ayaynu u diraynaa walaalaheen, waxaan uga tacsiyaynaynaa intii kaga-baxday Naf iyo Hantiba, waxaan goosanay Puntland, shacab iyo dowladba sidii caadadu ahaan jirtey Gurmad deg-deg ah inaan u fidino walaalaheen, labadan baabuur ee alaabtu saaran tahay waa intii ugu horaysey waa dedaalkii dhallinta, waxgaradka iyo shacabka Garoowe oo iskaashaday, FAANOOLE FARI KAMA QODNA Puntland waa wadaysaa”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay dedaalka, dhiiranaanta damqashada iyo gurmadka ay u horseedeen dhallinta reer Puntland ummadda Soomaaliyeed ee ku aadan u gurmashada shacabka reer Baladweyne.

“Dhallinyarada runtii dedaalka, dhiiranaanta iyo shaqada ay qabteen ee ay u horseedeen reer Puntland walaalahooda dhibaataysan in gacani ka gadho aad baan ugu mahadcelinayaa, waxaan leeyahay laba qodob raaciya, ta-koowaad tahriibta oo aad ka wacyi-gelisaan dhallinyarada idinkoo guri walba garaacaya, MAGEFE waa inaynu cidhibtirnaa, qodobka labaad waxaad isku baraarujisaan AMNIGA si aan isaga si fayno sharwadayaasha iyo wax-kasta oo amni daro inoo keenaya” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.1O1A5717 1O1A5721 1O1A5726 1O1A5728 1O1A5733 1O1A5741 1O1A5742 1O1A5749 1O1A5769 1O1A5773 1O1A5783 1O1A5802 1O1A5815 1O1A5817 1O1A5830