Garoowe, November, 30, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa galabta ka qayb galay munaasabad ay ku kala saxiixanayeen Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland iyo Shirkadda Frontier Service Group oo laga leeyahay dalka Shiinaha heshiis is-afgarad oo lagu horumarinaayo garoonka diyaaradaha Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir.

 

Ku-simaha Madaxweynaha ayaa waxaa kala qayb galay munaasibaddan Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, masuuliyiin ka socda Shirkadda Frontier Service Group, Isimo, siyaasiyiin, nabadoono, waxgarad, aqoonyahano iyo masuuliyiin kale.

 

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xusseen Cismaan Lugatoor (Gibiley) iyo Madaxa Shirkadda Frontier Services Group ee Bariga Dhexe iyo Wadamada Africa Dr. Hu Ping ayaa kala saxiixday heshiiskan is-afgarad ee lagu horumarinaayo garoonka diyaaradaha Garoowe ee Janaraal Maxamed Abshir.

 

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlay munaasibadda ayaa tilmaamay inuu ku faraxsan yahay ka qayb galka xafladda lagu kala saxiixday heshiiskan is af-garad ee lagu horumarindoono Garoonka diyaaradaha Garoowe.

 

“Waxaa farxad weyn ii ah maanta inaan kasoo qayb galo xafladdatan lagu saxeexayo heshiiska balaadhinta Garoonka diyaaradaha Garoowe, waa wax wanaagsan wakhtigaaga oo kugu sima wixii aad ku tacabtay oo horumarkiisu sii socdo, sharaf bay nootahay inaan kasoo qayb galo heerkaas ay marayso aniga iyo Senator Cabdiraxmaan Faroole iyo shacabka Puntland ee qaybta ka ahaa horumarintiisa. Waxaan filaynaa Garoonku inuu noqdo garoomada diyaaradaha Bariga Africa ugu horumarsan, Shirkadda Frontier Service Group aad iyo aad baan ugu mahadcelinaynaa waxaan ku rajaweynahay inay ka dhabayndoonaan waxa ay balanqaadeen. Sidoo kale waxaan rajaynaynaa mashariicda kale ee shirkadaha Shiinuhu ay gacanta ku hayaan in dhakhso loo dardargeliyo”.

 

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Luga-toor ayaa dhankiisa sharaxaad kooban ka bixiyey heshiiskan is-afgarad oo hordhaca ah, kaasi oo Garoonka diyaaradaha Garoowe ka dhigaya garoonka ugu dheer ee ugu casrisan Soomaaliya dhammaanteed, Wasiirka ayaa sheegay in garoonka shaqadiisu ay ka koobnaan doonto sadex weji. Wejiga koowaad waxaa laga dhigidoonaa 4KM iyadoo lagu daridoono 1.6km, waxaa la dhisidoonaa Terminal weyn oo casri ah, VIP, Terminal Cargo casri ah, qaybta dabdemiska iyo dhammaan adeegyadii garoonku u baahnaa oo casri ah. Wasiirka ayaa sheegay in beriba ay bilaabidoonaan shaqo labada bilood ee soo socota si xidhiidh ah u socondoonta.

Madaxa Shirkadda Frontier Services Group ee Bariga Dhexe iyo Wadamada Africa Dr. Hu Ping ayaa isna ú hadlayey shirkadda ayaa faahfaafin ka bixiyey heshiiskan ku qotoma balaadhinta iyo casriyaynta garoonka diyaaradaha Garoowe.

 

“Saxiixa Heshiiskan Is-afgarad waa bilow wanaagsan, Ujeedkeenu waa inaan kordhino faa’iidada ganacsi ee Airport-kan u leeyahay Puntland iyo Soomaaliyaba. Dal aan laheyn Wadooyin waa weyn iyo Garoomo Diyaaradeed ma yeelan karo kaabayaal dhaqaale, sida horumarinta ganacsiga, u adeegida ganacsatada iyo dadweynaha labadaba”.

 

“Taasi waa sababta aan wejiga koowaad qorshahan hormarinta iyo maalgashiga ugu bilaabeyno in garoonka Diyaaradaha ee Gen. Mohamed Abshir loo sameeyo goobtii ay adeegsan lahaayeen Diyaaradaha Xamuulka ah. Waayo kordhinta tirada Rikaabka ka dhoofaya Garoonka iyo Xamuulka la qaadayo, waxay door muhim ah ka qaadan doonaan in uu kordho dhaqaalaha Puntland iyo guud ahaan kan Gobolka oo dhan”.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.   

 

 

21_780541319026057_7030570178869985280_o 22 99 233 8887 026057_7030570178869985280_o 78700221_780526057_7030570178869985280_o 78700221_7805413197_7030570178869985280_o 78700221_570178869985280_o 78700221_780541319025280_o 78700221_780541319026057_7030570_o 78700221_780541319026057_7030579985280_o 78700221_780541319026057_70305701788680_o 78700221_780541319026057_70305701788699 78700221_780541319026057_570178869985280_o 78700221_780541319026057_700178869985280_o 78700221_780541319026057_703057019985280_o 78700221_780541319026057_703057069985280_o 78700221_780541319026057_7030570869985280_o 78700221_780541319026057_7030570178869985280_o (2) 78700221_780541319026057_7030570178869985280_o 78700221_7030570178869985280_o 78700221_780541319030570178869985280_o 78700221_7805430570178869985280_o 7870020000030570178869985280_o 787002210541319026057_7030570178869985280_o 7870780541319026057_7030570178869985280_o