Garoowe, Nov, 05, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mundane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa furay madasha Maamul baahinta Puntland, taas oo uu u jeedadiisu tahay dardargalinta siyaasadda maamul baahinta Puntland iyo sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose ee Puntland.

Furintaanka shirkan waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehlinaayey masuuliyiinta Wasaaradaha la shaqeeya mashruuca horumarinta degmooyinka Puntland ee JPLG, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha, qaar kamid ah Guddoomiyayaasha degmooyinka iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in mashruucaan horumarinta degmooyinka Puntland uu yahay masuuliyad wadareed la wadaago, isla markaana mudada uu shaqaynaayey faa’idooyin badan laga dhaxlay.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa dhinacyada shirka ka qayb galay ku booriyay inay go’aan ka gaaraan sidii loo dhammaystiri lahaa loona aasaasi lahaa Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladaha Hoose, maadaama muddo howshiisa laga soo shaqaynaayey.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

1O1A6046 1O1A6077 1O1A6081 1O1A6107 1O1A6116 1O1A6123 1O1A6146 1O1A6154 1O1A6179 1O1A6191 1O1A6196 1O1A6212