Garoowe, ogoosto, 31, 2019: ku simaha Madaxweynaha dowladda Puntland, ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Ololaha Taageeridda Daaweynta Xoolaha Puntland, kaasoo la siin doono 3 Malyan oo kamid ah xoolaha ku dhaqan 9 gobol ee Puntland.

Munaasabadda daah-furka waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland Siciid Cisman Aadan (Fiisigis) Shaqalaha Wasaaradda Dhakhaatiirta xoolaha soo daaweyn doona iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Madaxweyne ku-xageenka dowladda Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu saaka anba bixiyo dhaqaatiir soo daaweyn doona 3 Malyan oo kamida Xoolaha Puntland, waxa uu sheegay in xooluhu ay yihiin laf dhabarta dhaqaale ee dalka, isla markaana ay inoo leeyihiin faa’idooyin bdan, sidaas darteena loo baahan yahay in laga warqabo Xoolaha Caafimaadkoda.
Ugu danbayn, ku simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa neefkii ugu horeeyay Tallaalka siiyay, dhaqaatiirta ayuu kula dar-daarmay inay xil iska saaaran howsha loo igmaday,waxaana uu bogaadiyay Wasasaradda Xanaanada Xoolaha dowladda Puntland oo qorshahaan soo diyaarisay, isgoo tilmaamay inuu rajjo wanaagsan ka qabo inuu guul ku soo dhammaado.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND1O1A0002 1O1A0058 1O1A0101 1O1A0120 1O1A0131 1O1A0147 1O1A9892 1O1A9930 1O1A9947 1O1A9967 1O1A9976 1O1A9989 1O1A9999