Af-urur, Juun, 11, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku gaaray degaanka Af-urur ayaa kormeeray ciidanka Daraawiishta Puntland ee ka hawlgala deegaankaasi.
Kormeerka kadib Madaxweyne Ku-xigeenka iyo weftigiisu waxa ay kulan muhiima la qaateen saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta ee dalkooda iyo dadkoodaba ka difaaca Argagixisada tamarta yar ee ku dhuumaalaysta buuraleyda Calmadaw.
Kusimaha Madaxweynaha oo lahadlay ciidanka ayaa u jeediyey ammaan iyo bogaadin ku aadan 10 kii sane ee u danbeeyey ee ay dadalkooda iyo dadkoodaba ka horjoogeen cadawga marin habaabsan ee Al-shabaab iyo kuwa la halmaama ee ay dhibto nabadda, horumarka iyo wadajirka dowladda iyo shacabka Puntland ay gaareen. Sidoo kale waxa uu Madaxweyne Karaash xusay in Puntland ay ku leddo ciidamadooda geesiyaasha ah ee aan wax-jixinjix ah u gelin cadawga wax magaratada ah.
”Waxaanu u soo qastiney dhufayskaas aad ku jirteen ilaa 2010 kii oo aad u adkaysateen saa u difaacdaan dalkiina inaanu idiinku nimaadno, Alle ha u naxriisto intii naftooda ku weydey iyagoo di faacaya dalkooda, intii ku dhaawacantayna Alle ha u boogadhayo, waanu u nimad sidoo kale inaanu idinla soo aragno halkaas aad ku jirtaan, waad fuliseen balanqaadkiinii, waad fulindoontaan inta naftu idinku jirto, waadna ku amaanantihiin”.
”Waxaan balanqaadaynaa ka dowlad ahaan wixii aanu qaban karno inaanuu qabano, wixii naga tanbatana inaanu idinku soo noqono illeen dalka waa wada leenahay eh oo aad xogogaalnimadeeda iyo ixtiraankeeda aad yeelataan” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

1P8A2891 1P8A2919 1P8A21071P8A2891