Garoowe, Ogoosto, 07, 2019: Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Garoowe ka daahfuray Asbuuca Naas-nuujinta Adduunka, si wacyigalinta iyo faa’iidada Naas-nuujinta loo gaarsiiyo gobolada kala duwan ee Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa barnaamijkan soo diyaarisay, waxaana Madaxweyne ku-xigeenka ku wehlinaayey Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Jaamac Faarax , masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda, Ururada Haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo daahfuray Asbuucaan Naas-nuujinta ayaa sheegay in faa’iido ballaaran caruurta ay u leeyihiin naaska oo la nuujiyo, taas oo uu tilmaamay caafimaad ahaan inay tahay wax wanaagsan.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Puntland iyo Saraakiisha Caafimaadkaba faray inay wacyigalinta gaarsiiyaan dhammaan gobolada Puntland, isla markaana hooyooyinka la dareensiiyo faa’iidada laga helayo caruurta oo naaska ay siiyaan.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTAMADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

1O1A7581 1O1A7584 1O1A7587 1O1A7592 1O1A7596 1O1A7598 1O1A7606 1O1A7615 1O1A7623 1O1A7648 1O1A7652 1O1A7654 1O1A7685 1O1A7691 1O1A7694 1O1A7697 1O1A7706 1O1A7711 1O1A7765