Af-urur, Juun, 11, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku gaaray deegaanka Af-urur.
Socdaalkan oo u jeedkiisu ahaa u kuurgal xaaladda deegaanka waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinaayey xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, Afhayeenka Madaxtooyada, Guddoomiyaha gobolka Bari Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.
Kusimaha Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa markii ay gaareen Af-urur waxaa soo dhawayn ballaaran ku qaabilay qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo shucuur wanaagsan laga dheehanayo wejiyadooda iyo Jaceylka ay u qabaan Madaxdooda.
Madaxweynaha Ku-xigeenka oo la hadlay dadweynaha deegaanka Af-urur ayaa uga mahadnaqay soo dhoweyn ballaaran oo ay u sameeyeen, waxaa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay socdaalkiisii ugu horeeyey inuu deegaankan ku soo gaaro oo muhiim u ah Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne Karaash waxaa uu kulan gaar ah la qaatay dadka deegaanka, waxay uga warbixiyeen baahiyaha degaanka ee u baahan wax ka qabashada, iyagoo Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashadiisa.
Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenma Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ballan-qaaday in si deg deg ah loo howl gelidoono baahiyaha ka jira deegaanka ee ay soo gudbiyeen, waxaana uu bulshada Af-urur kula dar-daarmay inay qayb ka noqdaan horumarka deegaanka, isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan ciidmada Ammaanka.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

1P8A2217 1P8A2435 1P8A2506 1P8A2509 1P8A2582 1P8A2592 1P8A2609 1P8A2611 1P8A2628 1P8A2669 1P8A2690 1P8A2698 1P8A2708 1P8A2714 1P8A2742 1P8A2759 1P8A2781 1P8A2796 1P8A2800 1P8A2813 1P8A2832 1P8A2838