Garoowe: 23 November 2019: Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay Madasha Habeenka Haweenka Puntland, Madashan oo ah mid bille ah waxay haweenka Puntland uga hadli doonaan Ajendayaal loo qorsheeyay oo ku saleysan Doorka ay Haweenku ka qaadan karaan arrimaha Bulshada.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa bogaadiyey Madasha Habeenka Haweenka Puntland, oo fursad u ah Haweenka Puntland inay isugu yimaadaan oo kaga arinsadaan arrimahooda gaarka ah iyo horumarinta doorka ay Bulshada ku leeyihiin oo ah mid muhim ah.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash wuxuu sheegay in Haweenka Puntland ay door muhim ah kasoo qaateen dhismihii iyo illaalinta Puntland, Madashana uu ka rajeynayo inay sii dardargeliso doorka haweenku ay leeyihiin dhinacyada Siyaasada iyo arrimaha Bulshada.

Kulanka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowladda Puntland waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayay Masuuliyiinta Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Haweenka xilalka kala duwan ka haya Dowladda, Ururada kala duwan ee Haweenka iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

1 1P8A0397 1P8A0399 1P8A0403 1P8A0407 1P8A0410 1P8A0430 1P8A0456 1P8A0486 1P8A0490 1P8A0491 1P8A0493 1P8A0503 1P8A0510 1P8A0539 1P8A0545 1P8A0553 1P8A0570 1P8A0601 1P8A0613 1P8A0636 1P8A0676 2 3 4