Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 31 ee Juun, 29, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.1200px-Puntland_State_of_Somalia_Coat_of_Arms

Markuu tixgeliyey: Aqoontiisa iyo Waaya-aragnimadiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa G/Dhexe Cabdulqadir Jaamac Dirir loo magacaabay Taliyaha Qaybta Ciidanka Booliska gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo. Wuuna Saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.