Boosaaso, 1P8A1429 1P8A1435 1P8A1454 1P8A1473 1P8A1496 1P8A1499 1P8A1515 1P8A1531 1P8A1544 1P8A1550 1P8A1566 1P8A1577 1P8A1588 1P8A1614 1P8A1623 1P8A1628 1P8A1640 1P8A1660 1P8A1664 1P8A1672 1P8A1689 1P8A1709 1P8A1789 1P8A1798 1P8A1834 1P8A1835 1P8A1871 1P8A1885 1P8A1893 1P8A1907 1P8A1917 1P8A1921 1P8A1941 1P8A1952 1P8A1959 1P8A1979 1P8A1995 1P8A1997 1P8A2015 1P8A2041Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray xarumaha Dowladda ee magaalada Boosaaso.

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku wehelinaayey Maamulka Gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, Masuuliyiin ka tirsan Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Duqa Degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweynuhu uu maanta ku tegey xarumaha Dowladda ee magaalada Boosaaso.

” Maanta oo ah maalin khamis ah Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu kormeer rasmi ah ku tagey goobaha dowladda ee ku yaalla magaalada Boosaso, waxaana kormeerkaas Madaxweynuhu ka bilaabay saldhigga bartamaha, maadaama saldhigga dhawaan si casri ah loo dhisay si Madaxweynuhu u fiiriyo qaabka uu bulshada ugu adeegayo”.

“Sidoo kale wuxuu Madaxweynuhu kormeerkiisa ku tagey taliska Qeybta Booliska gonolka Bari, suuqa iibka kalluunka magaalada iyo dekadda magaalada Boosaaso halkaas wuxuu Madaxweynuhu kula kulmay masuuliyiinta wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaaradda kalluumaysiga, Maamulka Degmada iyo Gobolka, wuxuu Madaxweynuhu amar rasmi ah ku bixiyey in si deg-deg ah loo soo asteeyo meeshii laga dhisi lahaa marso ay yeelan doonaan kaluumaysatada iyo dadka ukala safraya gobolka Bari dhexdiisa qeybta badda isticmaasha. Ugu dambayntii Madaxweynuhu wuxuu kormeerkiisa ku tegey maxjarada xoolaha ee magaalada Boosaaso oo xiligaan xoolo badani ay joogaan iyo Xarunta kaydka Shidaalka ee Oshiyaan” Ayuu yiri Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.