Garoowe, Ogoosto, 17, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay bandhigga buugga Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed
(Hore, Hadda iyo Hadhaw ) oo ay qortay aqoonyahanad Deeqa Jaamac Col-u-joog, waxa ay qoraysey muddo ku siman 35 sano, waxaana lagu soo bandhigay xarunta
Hay’adda Cilmi Baarista’PDRC’.

 

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey bandhigga buugan “Diwaanka Nabadda Soomaaliyeed”
(Hore, Hadda iyo Hadhaw ), waxaana uu mahad balaadhan u jeediyey qoraaga buugga oo muddo dheer ku bixisay muruq, maal, maskax iyo dedaal qoriddiisa.

 

“Sharaf weyn bay ii tahay maanta inaan kasoo qayb galo daahfurkan, markii hore waxay iga ahayd dhiirigelin, lakiin markii dambe waxaan ka helay
wanaag iyo degenaansho, aqoon yahanad Deeqo runtii hadal mug-weyn oo nuxur weyn ayay halkan kasoo bandhigtay waa dhigaal ay aqoonyahanaddu muddo dheer ay lasoo halgamaysey,
waxaa Alle waafajiyey ugana mahadcelinayaa buugan 600 oo bage ka kooban ay kusoo ururiso dhammaan wixii maanta ummadda Soomaaliyeed ay u baahnayd
oo ugu qaalisanaa oo ah nabad iyo midnimo. Nabadbaa naas la-nuugoleh, iyadaa Dowladnimada dhista, iyadaa horumarka iyo umad meel tiigsata saldhig u ah.
ummadda reer Puntland hore iyo gadaal suugaanta ay tirisay iyo tariikhda ay sheegtay inta badan ee nabaddu ku qotonto reer Puntland baa iskaleh”

 

“Puntland hore, hadda iyo hadhawba nabad bay ku baaqaysaa, Soomaali waxay ugu baaqaysaa nabad, waxay u fidinaysaa gogol nabadeed, waxay diyaar u tahay
wixii wax ka kharibmaan inay si nabad ah u xaliso, nabaddu iyadaa saldhig u ah waxkasta oo Aadanuhu sameeyo, aad baan uga mahadcelinayaa runtii buugan oo qoto dheer oo wata nuxurkiisa
fariimihiisana intay noosheegtay iyo inta ku qoranba waan qaadanaynaa” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa goobta ka sheegay inuu xafiiskiisa u qaadayo 100 buug, uuna u hadiyayndoono masuuliyiinta uu ku tuhmaayo u qareemidda nabadda.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa cidkasta oo Puntland wax ka dhexeeyaan nabad, dib u heshiisiin iyo gar naqsi xaqiiqa ah ugu baaqay, waxa uu fariinta ugu horaysa u diray Maamulka Soomaliland.

“Waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo waxnaga dhexeeyaan nabad, dib u heshiisiin iyo gar-naqsi xaqiiqa ah, Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Soomaaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsankaraa,
dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa, waxaan diyaar ugu nahay wax hadda mugdi ku jiro ma ah,
lakiin inaan wadahadal dhab ah oo nabad waarta ka dhaliya geyiga diyaar baan u nahay fariinteena koowaad waataas, wax kasta oo Puntland ka xun waxaan ku raadinaynaa nabad.
Soomalida inteeda kalena ee dagaaladu ka jiraan degaanadooda waxaan ugu baaqaynaa inay nabad waxkasta ku xaliyaan”.

“Nabadda iyo Dowlad dhisku waa kala duwan yihiin, dadka Soomaaliyeed Qabaa’ilkoodu waxba iskuma hayaan oo hadda Qabaa’ilka Soomaaliland dega ee aan degaanada Puntland ahayn iyo anagu
maalin walba waan is dhexmaraynaa ehel iyo qaraabaa la yahay, lakiin waxaa la rabaa dib u heshiisiin Soomaaliyeed oo gar-naqsanaysa. Siyaasadda Soomaaliyeed waxaa la rabaa inay si dhab ah
u abaarto inay ka wada-shaqeeyaan degenaanta si loo helo horumar dadka loogu adeego” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

 

Bandhigga Buugga ayaa waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni kala qayb galay Guddoomiye ku-xigeenka Kowaad ee Golaha Wakiillada Puntland
Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Abwaano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

1 1P8A0141 1P8A0152 1P8A0157 1P8A0165 1P8A0196 1P8A0200 1P8A0218 1P8A0237 1P8A0243 1P8A0250 1P8A0302 1P8A0308 1P8A0403 1P8A0411 1P8A0419 1P8A0426 1P8A0434 1P8A0449 1P8A0463 3
                                         XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYAD DOWLADD PUNTLAND.