Qardho: 29 Oktoobar 2019, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi oo maanta booqasho ku yimi Magaaladda Qardho ayaa Xariga ka jaray Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble oo lagu sameeyay dib u dhis iyo dayactir dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa markii uu saagaray Xarunta Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble wuxuu Salaan Sharaf ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada halkaasi ku sugan, kadibna wuxuu ka qeybgalay Xafladda Xarig Jarka Dugsigan Ciidamada lagu tababarayo oo uu isagu maanta si rasmi ah u furay.

 

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble wuxuu sheegay in Dowladda Puntland ay muhiimada koowaad siinayso dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada si loo helo Ciidan tirsan oo tayeysan.

 

Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble ayaa ka mid ah xarumo lagu tababarayo Ciidamada Dowladda Puntland oo loo qorsheeyay in laga hirgeliyo Sanaag, Ceyn iyo Mudug. Sidoo kale qorshahaasi waxaa dhinac socda diwaangelinta casriga ah ee Ciidamada oo dhowaan la bilaabay.

 

Xafladda Xarig Jarka Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Xorgoble waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Wasiiro ka tirsan Dowladda, La taliyeyaal dhinaca Amniga ah oo uu ku jiro Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire, Saraakiil Ciidan oo uu hogaaminayo Taliyaha Daraawiishta Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho, Aqoonyahano, Hogaan dhaqan, Culimo, Haween iyo boqolaal ka mid ah Ciidamadii ugu horeeyay ee Tababarka ku qaadanaya xaruntan.

 

=DHAMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

1P8A2354 1P8A2368 1P8A2378 1P8A2382 1P8A2427 1P8A2436 1P8A2488 1P8A2497 1P8A2500 1P8A2504 1P8A2681