Garoowe, Sep, 17, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xidhay shirka maalgashiga Puntland, Madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay arrimaha maalgashiga, waxaa uu xusay in shacabka Puntland iyo Dowladdooduba sharaf u tahay in shirku kusoo dhammaaday sidii loo qorsheeyey.

“Runtii aad iyo aad bay Dowladda Puntland, shacab iyo Xukuumadba sharaf ugu tahay in shir noocan ah uu ku qabsoomo sidii loogu talagalay oo uu ku socdo wakhtigiisii oo ay kasoo baxaan wixii loogu talagalay inay kasoo baxaan, aad baan ugu mahdcelinayaa intii kasoo shaqaysay oo ay ugu horeeyaan ciddii u xilsaarnaa qaban-qaabada shirkan iyo dhammaan hay’addaha dowladda oo kala shaqeeyey shirka. Shirkan dowladda Puntland uma aysan kala hadhin, ciidan, shacab iyo masuuliyiinba”.

“Shirkan keliya ma ahayn Maalgashi waxaa kujirey sidoo kale in dhaqanka iyo dabeecadda dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland aan wax ka bedelno oo tusino in dadku kala shaqaystaan, 60-kii sano ee lasoo dhaafay dowladnimada Soomaaliya si khaldan ayaa loo bartay, dad dhallinyaro ah oo wax soo bartay inay dowladda u shaqeeyaan waxaa ku kalifaaya aragti siyaasadeed oo uu iska leeyahay maruu dhashobo, lakiin waxaan idiin sheegayaa ra’yigaasi mid sax ah ma aha, anigu ganacsiga 10 jir baan ku bilaabay waxkasta oo ganacsi ahna waan ka shaqeeyey intiisa badan, iskuma xidhna inaad hadaf aan leedahay xaqiijisid inaad dowladda u shaqaysid, waa wax wanaagsan in la abuuro fekred wax tarleh, waan ka mahadcelinayaa in shirkadda DHOWEEYE ay u shaqeyaan 7, 000 oo qof “Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay maalgashi Puntland ka samaynayaan ganacsato Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah oo shirkan qayb ka ahaa.

“Waxaan rabaa inaan idiin dulmaro dadka goostay in sadexda sano ee Soosocda ay Puntland maalgashtaan waxay wadartoodu dhantahay 464 Million shirka ayaa laga dhaxlay in dadku ogaado, dowladduna ogaato qorshaha maalgelintaas, waxaan arkay intaan shirkan joogney oo aan la kulmaayey martida laba qof oo markii ugu horaysey Africa timi, gaar ahaan Puntland yimid, waxaa sababay inay yimaadaan muhiimadda shirkan, waana dhicikartaa dadkale inay jiraan oo aanan ani arag” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland si buuxda ugu diyaar garoobayso maalgashi caalamiya oo waxbadan kusoo kordhiya Puntland, waxa uu xaqiijiyey in dedaalka ugu badan lagu bixinaayo ka sifaynta dalka Ar-gagixisada, waxaana uu ugu dambayn furay Shirka maalgashiga Puntland oo soconaayey muddo sadex cisho ah.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

70334208_730296777383845_5781944231538982912_n 70453667_730296817383841_2642416665370820608_n 70465599_730296730717183_6383120197053579264_n 70562075_730296614050528_2891074415448031232_n 70584883_730296194050570_194224206446067712_n 70618749_730296860717170_1022410513771921408_n 70775300_730296680717188_3278281926389006336_n 70816241_730296647383858_926158544321904640_n 70887381_730295487383974_416015377013669888_n 71172034_730296504050539_5707690775341432832_n 71277442_730294970717359_8616337538379939840_n