Garoowe, ogoosto, 26, 2019: Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, gaar agaan dalka Itoobiya oo uu ku hormarayo.
Garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Ashir ee magaalada Garoowe waxaa kusii sagootiyey Madaxweynaha iyo weftigiisa Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Saraakiil Ciidan, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Itoobiya waxa ay kula muhiim ah la qaadandoonaan masuuliyiinta dalkaasi.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.