Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo
Wuxuu Xeeriyey
- Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.
Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND