Garoowe, Luulyo, 15, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daahfuray duulimaadyada shirkadda caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline.

Daahfurka duulimaadyada shirkaddaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ku-xigeenka Madaxa shirkadda Itoobiyaan Airline iyo masuuliyiin kale.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in daahfurka duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline ay tahay guul u soo hoyatay Puntland, waxaa uu hoosta ka xariiqay in guushaasi ku hirgashay isku duubnida shacabka iyo dowladda Puntland.

 

 

“Waxaan maanta joognaa Garoonka Diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Garoowe oo ay astayntiisu soo bilaabatay xilligii Madaxweyneyaashii hore ee Puntland iyo Aniga, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Golaha Xukuumadduna waxaanu ku guulaysanay duulimaadkii ugu horeeyey oo caalami ah inaan hirgelino maadaama uu garoonkani yahay mid caalami ah, waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo kasoo qayb qaadatay oo ay ugu horeeyaan madaxda shirkadda Itoobiyaan Airline”.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland Soomaaliya inteeda kale uga duwan tahay hogaanka suuban, waxa uu ka digay in dhallinyarada si qaldan loo adeegsado, Puntlandna aanay cidna ka ogolaanayn inay nidaamkeeda burburiyaan.

 

“Puntland hogaanka ayey uga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxaan ka digayaa dadka daneynaya in ay bulshada hogaankeeda wiiqaan oo dhallinyarada ku kiciyaan, waxaan qirayaa in ninkii sameeyey Heesta ‘Ku dayo Puntland’ uu wax wanaagsan sameeyey, waxaan leeyahay nagu dayda, maaha in dadka la hareer maro oo wax aan jirin loo akhriyo , hayaankeennu waa in uu qeexan yahay, waxaan caddeynayaa in reer Puntland aysan cidna ka ogolaaneyn in ay nidaamkeeda burburiso”. Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland 1P8A8641 1P8A8648 1P8A8664 1P8A8673 1P8A8691 1P8A8696 1P8A8698 1P8A8706 1P8A8718 1P8A8725 1P8A8741 1P8A8743 1P8A8745 1P8A8757 1P8A8765 1P8A8768 1P8A8781 1P8A8785 1P8A8798 1P8A8813 1P8A8821 1P8A8824 1P8A8830 1P8A8837 1P8A8867 1P8A8872 1P8A8911 1P8A8912 1P8A8918 1P8A8920

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.