Boosaaso, Sep, 26, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa qasriga Madaxtooyada Magaalada Boosaaso kulan kula qaatay Ganacsatada Puntland, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso.

1P8A2053 1P8A2057 1P8A2059 1P8A2061 1P8A2062 1P8A2065 1P8A2069 1P8A2070

Kulanka Ganacsatada iyo Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa Maamulka Gobolka kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

 

Muhiimadda kulankan ayaa ah sidii Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland uga wada shaqay lahaayeen horumarinta arrimaha ganacsiga sida, suuqgaynta wax soo saarka dalka, horumarinta ganacsiga, taageerada   ganacsi ee dalka ka socota, horumarinta Ganacsiga, arrimaha Maalgashiga dalka iyo in laga wadashaqeeyo sidii khayraadka dalka, gaar ahaan Puntland suuqayada caalamka loogu soo bandhigi lahaa.