Kismaayo : 10, October, 2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay Magaaladda Kismaayo ee Xarunta ku meelgaarka ah ee Jubaland.

 

Wafdiga Madaxweyne Deni oo ka qeybgelaya Caleemasaarka Madaxweynaha Jubaland, ayaa ka kooban Masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Puntland, waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaan Sahro Qoorsheel, Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal ugaso qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Dhaqan, Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa soo dhoweyn Hab-maamuuskeedu sareeyo u sameeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam, kadibna waxaa uu Madaxweynuhu u gudbay dhinaca shacabka oo boqolaal dad ah isugu soo baxeen Soodhoweyntiisa.

Madaxweynaha Jubaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam ayaa kusoo dhoweeyay Kismaayo  Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa, wuxuuna uga mahadceliyey imaanshaha Madaxweyne Deni  iyo ka qeybgalka Xafladda Caleemasaarka.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu Jubaland Dowlad iyo Shacaba uga mahadceliyey sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa:

 

“Aad baan ugu faraxsanahay sida diirran oo Dowladd iyo Shacaba naloo soodhoweeyay, waan ka mahadnaqeynaa, waa waajib na saarnaa maadaama Madaxweynuhu dhowrjeer horey noo soo booqday in aan anagana soo booqano la wadaagno Farxadaha iyo Murugadaba, Waxaan rajeynaynaa hadii illaahay idmo muddada aan joogno in arrimaha muddadii u danbeysay Jubaland ka jiray aan wax ka galno hadii illaahay idmo” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

DHAMAAD1P8A4295 1P8A4382 1P8A4430 1P8A4432 1P8A4438 1P8A4443 1P8A4451 1P8A4469 1P8A4475 1P8A4495 1P8A4506 1P8A4517 1P8A4537 1P8A4543 1P8A4551 1P8A4553 1P8A4555 1P8A4556 1P8A4581 1P8A4594 1P8A4627 1P8A4644 1P8A4650 1P8A4664 1P8A4671 1P8A4682 1P8A4684 1P8A4689 1P8A4690 1P8A4714 1P8A4721

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND