Boosaaso: 21 January 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, ka sagootiyey Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland.

Madaxweyne Deni waxaa sagootinta Madaxweynaha Jubbaland ku weheliyey xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, Saraakiisha laamaha ammaanka iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

=DHAMMAAD=

= XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND=

1P8A0334 1P8A0338 1P8A0339 1P8A0345 1P8A0346 1P8A0348 1P8A0350 1P8A0352 1P8A0354 1P8A0358 1P8A0362 1P8A0366