Gaalkacyo: 04 Luulyo 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo caawa ku qaabilay Isimada Gobolka Mudug iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad oo Madaxweynaha warbixin ka siiyey dhismaha Dekadda Garacad.

Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta mashruuca dhismaha Dekadda Garacad oo ay ku baxayso $180 Milyan, waxay guddigu u faahfaahiyeen Madaxweynaha mashruuca oo wejigii labaad galay, marxaladaha ay Dekaddu soo martay iyo maanta meesha ay marayso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey Guddiga dhismaha Dekadda Garacad sida wadaniyada iyo masuuliyadda leh ee ay u wadaan shaqada iyagoo marxalado kala duwan lasoo maray.

“Dhismaha Dekadda Garacad waa Mashruucii iskutashi ee ugu weynaa noociisa ee ka socda Soomaaliya, tusaale ayeenu dadka u nahay, Dowladdana waa ka go’antahay dhameystirka dhismaha Dekadda oo aan rajeynayo dhowaan inuu dhammaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Isimada Gobolka Mudug, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

1P8A2462 1P8A2468 1P8A2470 1P8A2471 1P8A2476 1P8A2480 1P8A2485 1P8A2489 1P8A2495 1P8A2499 1P8A2501 1P8A2503 1P8A2507 1P8A2508 1P8A2510 1P8A2512 1P8A2519 1P8A2521 1P8A2523 1P8A2525 1P8A2528 1P8A2530