Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabuuti kusoo dhoweeyay, Wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka gaadiidka Mudane Muuse Maxamed Axmed, Guddoomiyaha marsooyinka iyo aagga ganacsiga xorta ah Mudane Abuubakar Cumar Xadi iyo masuuliyiin kale.
Lataliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka dibedda Mudane Cali Cabdi Awaare ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ee Jabuuti.