Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarigga ka jaray Hotel Martisoor, oo ah Hotel Casri ah oo laga hirgeliyay Caasimadda Garoowe.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey Ganacsatada Hotel kan Casriga ah Hirgalisay, waxaana uu ku dhiirigeliyay dhammaan Ganacsatada in kor loo qaado maalgashiga dalka.

 

Xarig jarka kadib, wuxuu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu dadweynaha kala qeybgalay Xafladda furitaanka Hotel Martisoor, kulanka sidoo kale waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland, Hogaan dhaqan, Ganacsato, Culimo, Ururada Bulshada, Qurbojoog iyo Dadweyne kale.

 

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

1P8A8418 1P8A8426 1P8A8464 1P8A8469 1P8A8499 1P8A8505 1P8A8568 1P8A8578 1P8A8580 1P8A8582 1P8A8598 1P8A8615 1P8A8619 1P8A8647 1P8A8670 1P8A8675 1P8A8677 1P8A8700 1P8A8703 1P8A8738 1P8A8739 1P8A8749 1P8A8751 1P8A8755 1P8A8789