Dhuusomareeb: 20 Luulyo 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay kulankii kowaad ee rasmi ah ee Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.
Kulankan ayaa dhexmaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.
Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ayaa isugu yimi Dhuusamareeb, si ay uga wadatashaan arrimaha masiiriga ah ee dalka sida Doorashadda 2020/2021.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND
1P8A05141P8A05171P8A0526