Garoowe: Sep, 11, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo oo labo todobaad safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha waxaa soo dhoweeyey, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, Ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Abuukaate Cabdcasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Saraakiil Ciidan, Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo qeybo ka mid ah bulshada.

Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ay maalmihii u dambeeyay safar ku joogeen wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka, isla markaana uu safarkoodu kusoo dhammaaday guul.

Soo laabashada Madaxweynuhu waxay kusoo aaday, iyadoo Puntland isu diyaarisay Shirka Maalgashiga Puntland oo loo muddeeyay (15-17) September 2019, Shirkan oo uu hore ugu dhawaaqay Madaxweyne Deni ayaa ah mid indhaha aduunka kusoo jeedinaya Puntland, waxaa ka qeybgeli doona Shirkado iyo Madax isaga imaanaysa wadamo kala duwan, iyadoo ujeedku uu yahay in lasoo bandhigo fursadaha maalgashi ee ka jira Puntland, taasi oo qeyb ka aheyd ballanqaadyadii uu hore u sameeyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

1O1A5187 1O1A5211 1O1A5217 1O1A5221 1O1A5222 1O1A5229 1O1A5239 1O1A5247 1O1A5251 1O1A5264 1O1A5279 1O1A5284 1O1A5287 1O1A5288 1O1A5302 1O1A5304 1O1A5309 1O1A5339 1O1A5341 1O1A5346 1O1A5402 1O1A5416