Boosaaso, Luulyo, 11, 2019: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, kadib safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyey Guddoonka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyaha qaybta gobolka, saraakiil ciidan siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi oo qayb ka ahaa soo dhoweynta weftiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ugu horayn ka mahadnaqay soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxaana uu ka warbixiyey safarkiisa shaqo ee qaatay 15 cisho, kaasi oo uu ku horeeyey dalka Jabuuti oo uu kala qayb galay malinta xuriyadda dalkaasi Juun, 27, 2019.

“Aad bay farxad iigu tahay inaan Boosaaso maanta si rasmi ah uga soo degno aniga iyo weftigaygu, qorshaha waa iigu jirtey inaan halkan imaado, waxaa jirey safar shaqo oo aan hore ugu imi gobolka, lakiin rasmi muusan ahayn waxaan salaantii iyo ujeedkayagii shaqo idiin soo faray Guddoonka gobolka iyo degmada. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Boosaaso oo ay ugu horeeyaan Guddoomiyaha gobolka, kan degmada iyo cid kasta oo nasoo dhoweysey waa Alle mahaddiis”.

“Aniga iyo wefti aan hogaaminayey waxaanu safar shaqo ku tagnay dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka. Jabuuti waxaanu kala qayb galay xuskii maalintooda xuriyadda oo ahayd Juun, 27, 2019, aad iyo aad bay noosoo dhoweeyeen, si dowladdnimo leh ayay noo qaabileen, intii aanu joogneyna kulamo badan baanu yeelanay, abaal ayay inagu leeyihiin, waxaa tusaale u ah hiil Walaal. Safarka kaas noogu xigey wuxuu ahaa Imaaraadka, waxaanu ku kulanay Jaaliyadda dalkaasi ee reer Puntland ee u badan Ganacsatada. Alle mahaddii safaradaasi waxay noogu soo dhammaadeen Guul”. Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Ugu dambayn, Madaweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, waxa uu kulamo muhiim ah la qaadan doona masuuliyiinta dowladda, isimada, nabadoonada iyo qaybaha kale ee bulshada magaaladaasi.

-DHAMMAAD- 
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

1P8A2399 1P8A2403 1P8A2406 1P8A2407 1P8A2409 1P8A2429 1P8A2442 1P8A2456 1P8A2464 1P8A2480 1P8A2488 1P8A2492 1P8A2496 1P8A2501 1P8A2507 1P8A2512 1P8A2523 1P8A2534 1P8A2544 1P8A2557 1P8A2563 1P8A2573 1P8A2662 1P8A2690 1P8A2710 1P8A2792 1P8A2883 1P8A2943