Horudhac

Dawladda Puntland ee Soomaaliya waxay Bangiga Adduunka ka heshay maalgalinta kharashyada Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Soomaaliyeed, waxayna damacsan tahay in ay qayb maalgalintaas ka mid ah u isticmaasho fulinta ama dhaqan galinta kor u qaadidda awoodda shaqaalaha oo ah fikrad ay bilowday Dawladda Puntland, isla markaana ay ugu talo gashay in xirfadaha, aqoonta iyo khibradaha sida deg degga ah/daruuriga ah loogu baahan yahay in loogu gudbiyo Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee mashruucaan qaybta ka ah ee shaqaalaha rayidka ah ee Puntland. Dawladda Puntland waxay doonaysaa in ay u qaadato Agaasime Waaxyeedyo Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee mashruucan ka faa’iideysanaya iyadoo taasi ay qayb ka tahay dib u habaynta weyn ee lagu samaynayo shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliyeed iyadoo shaqaale sar-sare oo u qalma, hawlkar ah oo dhanka maamulka ah lagu xoojinayo.
Jagooyinkaasna waxaa lagu wadaa in ay kor u qaadaan awoodda shaqaalaha rayidka ah maadaama Hay’adaha mashruucaan ka faa’iideysanaya lagu xoojinayso shaqaale buuxinaya jagooyinka sar-sare ee shaqaalaha rayidka ah iyo hawlaha guud ahaaneed ee dawladda (kuwaas oo ah hawlaha ay wadaagaan ama ka dhexeeya dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha kale).
Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Puntland waxay soo dhaweyneysaa isla markaana ay qabanaysaa codsiyada dadka u qalma jagooyinka liiskoodu kor ku taxan yahay.
Wixii xog dheeraad ah ama faahfaahin ah ee la xiriirta shaqooyinkaan waxaad ka heli kartaa: http://www.plstate.so iyo cinwaanka hoos ku qoran saacadaha u dhexeeya 9-ka subaxnimo ilaa 4-ta galabnimo.  Dadka u qalma ee shaqooyinkaan loo qaadanayo, waxaa lagu soo xulanayaa si waafaqsan Mashruuca Tayaynta iyo nidaamyada iyo hab-raacyada shaqo qorista ee u dagsan Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Puntland.

Codsiyada Danaynta/Codsiyada shaqada iyo lifaaqyada la socda: Foomka codsiga shaqada ee Mashruuca Tayaynta, Taariikhda Shaqada qofka ama CV-giisa, labo qof oo qofkaas yaqaan (referees) iyo koobiyada shahaadooyinka waa in lagu soo diraa ama gacanta lagu keenaa cinwaannada hoos ku qoran (iyadoo gacanta lagu keenayo ama boostada amase iimeyl loogu soo dirayo:  recruitment.csc@plstate.so isla markaana koobi dheeraad ah loo dirayo:  csc@plstate.so laga bilaabo maalinta Sabtida ah ee ay taariikhdu tahay 29ka Juulaay, 2017 ilaa 4ta galabnimo maalinta taariikhdu ay tahay Sabtida 26ka Agoosto 2017. Xafiiska Hay’adda Shaqaalaha Rayidka oo ku dhow Hoteelka Rayan Park Hotel,  Waddada  Galoobal, Garoowe, Puntland, Somalia.

 

Introduction

The Puntland State of Somalia has received financing from the World Bank toward the cost of the Somali Capacity Injection Project and intends to apply part of the proceeds for the implementation of the Capacity Injection Mechanism (CIM), a Puntland State of Somalia initiative to provide urgently needed skills, knowledge and expertise to recipient Ministries, Departments and Agencies (MDAs) in the Puntland Civil Service. The Puntland State of Somalia is looking to recruit Senior Advisors and CIM Coordinator for beneficiary MDAs as part of a major civil service reform initiative to rebuild the Somalia civil service with competent and senior qualified advisors

The positions are envisaged to enhance the civil service capacity by providing the beneficiary MDAs with senior advisors to develop the capacity of civil servants and transfer knowledge and expertise to beneficiary institutions.

The Puntland Civil Service Commission invites applications from qualified candidates for the positions listed above.

Competent candidates will be selected according to the Capacity Injection Mechanism and Puntland Civil Service Commission recruitment manual and procedures.

 

Expressions of interest/applications and attachments:  CIM Application Form, a CV, two referees and scanned copies of testimonials must be delivered to the address below (in person, or by mail, or by e-mail to  recruitment.csc@plstate.so and copy  csc@plstate.so.  The applications will be received from Saturday 29th July, between 8:00 am to 15: 00 pm. The deadline for the job applications is  Saturday 26th August 2017 4:00 pm.

Puntland Civil Service Commission Office is near Rayan Park Hotel, Global Road, Garowe, Puntland State of Somalia.

 

 

Attention
Human Resource Department
Puntland Civil Service Commission Garowe, Puntland, Somalia