Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo caawa jeediyey hadaljeedintii saddexaad tan iyo markii uu bilaabay inuu bil walba isniinta u horeysa uu la hadlo Dadweynaha, ayaa caawa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan Puntland iyo Soomaaliyaba.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha la wadaagay xaaladda amniga guud ee Puntland, dadaalada amni ee la sameeyay wixii ka danbeeyay qaraxii gaalkacayo, qorsheyaasha dhinaca horumarka ah ee socda , hirgelinta nidaamka xisbiyada badan oo si wanaagsan u socota,  xaaladda covid-19 ee Puntland iyo goáankii todobaadkan kasoo baxay Shirkii Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ee ku saabsana arrimaha Doorashada.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni  wuxuu ka digey in si khaldan looga faaídeysto  kala aragti duwanaan u dhexeysa Madaxda Sare Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA PUNTLAND

1P8A8618