Shir ballaaran oo looga arrinsanayey barnaamijka dib u qaabaynta iyo dib u casriyaynta Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda Puntland oo ay iska kaashanayeen Wasaaradda Shaqa iyo Mashruuca tayanta shaqaalaha ee CIP ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland.

Waxaana kasoo qayb galay kulanka 20 kamid ah xarumaha dawladda oo isugu jira Wasaaradaha iyo Hay’adaha madax bannaan ee dawladda Puntland kuwaas oo dhammaantood lagu samayn doono dib u qaabayn si’ay u noqoto mid la jaanqaadi karta nidaamka cusub ee hay’adaha dawladda.

Dhammaan hay’adahaan dib u qaabayn lagu samaynayo ayaa mid walba waxaa dib loo raacayaa xeerkii lagu aas-aasay si loo kala saaro waajibaadka shaqo ee hay’adaha dawladda isla markaana ay shaqadu u noqoto mid kala qeexaan.

Kaddib marka ay soo dhammaato barnaamijkaan dib u qaabaynta ayaa waxaa la qorshayn in qaar kamid ah 20-kaan hay’adood ay qayb noqon doonaan hay’adaha ka faaiideysanaya Mashruuca tayaynta shaqaalah ee CIP.34258878_450222285404969_9008034466966274048_n 34583545_450222362071628_8809081565951819776_n 34584587_450222688738262_7172555106116698112_n 34585047_450222142071650_4546447702879109120_n 34605182_450222182071646_56100222870224896_n 34625179_450222245404973_1032727106821292032_n 34664334_450222405404957_8476373814152790016_n 34700238_450222838738247_127713571260858368_n 34711253_450222628738268_7510928568319213568_n 34718381_450222808738250_5663585064689074176_n 34741790_450222215404976_2660919938532769792_n 34743678_450222755404922_2438842499804954624_n 34809144_450222562071608_2269821878711353344_n