Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dawladda Puntland oo kaashanaysa Mashruuca Tayaynta hay’adaha dawladda Puntland ee CIP ayaa maanta soo bandhigtay hannaan cusub oo lagu daahfurayey dib u habaynta iyo iswaafajinta heerar iyo mushaharka shaqaalaha (Pay and Grading Launch Reform).
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Golaha xukuumadda dawladda Puntland, Agaasimeyaasha guud ee Wasaaaradaha, Guddoomiyeyaasha hay’adaha madaxa bannaan, Agaasimeyaasha maamulka iyo Maaliyadda ee hay’adaha dawladda iyo shaqaalaha dawladda.
Shirkaan ayaa nuxurkiisu ahaa sidii laysu waafajinlahaa Mushaaraadka iyo heerarka aqooneed iyo waayo-aragnimo ee shaqaalaha dawladda, taas oo ku imaan doonta iyo dib u eegis lagu sameeyo mushaarka shaqaalaha, aqoontiis, waayo aragnimadiisa iyo xilka uu hayo si uu u helo xuquuqaadka uu istaahilo.
Muddadii uu shirku socdey waxaan lagu soo bandhigay soojeedimo kala duwan oo looga hadlayey heerarkii uu soo maray hanaanka dib u habaynta shaqaalaha dawladda Puntland iyo xilliyadii uu soo maray iyadoo gebagebadiina la bogaadiyey hanaanka furan ee maanta lasoo gaarey oo noqday hiigsi muddo lagu taamayey.