Dowladda Puntland ayaa isbedel ku samaysay Taarikada Baabuurta (Nambarka Qaaska) ee uu kaga diwaan gashan yahay Wasaarada gaadiidka Puntland.
Wasiirku xigeenka wasaarada Howlaha guud ee Dowladda Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax Dujaana ayaa saxaafada u soo bandhigey naqshad cusub ee loo badelay Taarikada Cusub ee Puntland.
Dujaana ayaa sheegay in Taarikadan cusub ay ka dhalatay cabasho kaga timid dadweynaha Puntland ka dib markii baabuur laga soo wareejiyey gobolada Soomaaliya oo aan cusbayn in ay qaataan Taarikadii u dambaysay taasoo sababtay sida uu sheegay wasiirku si khaldan dadka looga biiyo loogana dhigayo in uu cusub yahay iyo Dhanka Amniga.
Wasiirku xigeenku wuxuu sheegay in Taarikada Cusub hada ka dib lagu dhejindoono baabuurta Cusub ee ka soo degta dekeda Boosaaso iyo gaadiidka ka soo gala Puntland Xuduudaha, wuxuu sheegay in aan lagu khasbi doonin dadweynaha in ay dib u bedeshaan Taarikada balse cidii jecel in ay u bedelayaan.
Taarikadan Cusub ayaa ka kooban shan xaraf oo saddex ka mid ah yihiin Nambaro lagu cabiridoono heerka baabuurka iyo xarfaha uu qaadan karo sida uu wasiirku xigeenkuba sheegay.