Madaxweynaha dawladda Puntland qorshaha dawladdiisa waxyaabaha tiirarka muhimka u ah waxaa kamid ah dhismaha ciidamada amniga gudaha iyo daraawiishta oo runtii ah baahida ugu weyn ee ay qabaan dadka reer Puntland, taas oo guud ahan bulshada reer Puntland gelisey niyad iyo yididiilo hor leh.
dhismaha ciidamadu waa halbowlaha horumarka iyo dawladnimada waana arrin aanay jirin bulsho keliya oo ka maaranta dhanka puntland markaan eegno waxa jiro gobollo iyo deegaanno u maqan dayacii ka jirey dhanka ciidamada dawladda Puntland.