Puntland State of Somalia – State News




State News

Agaasimihii Hore iyo Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada Dawladda Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe Xilka Kula-Kala  Wareegey.

Agaaasimihii hore ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf ayaa maanta 2 march 2017 xilka agaasimaha guud ee madaxtooyada ku waree jiyey gaasimaha cusub Mudane. Cabdinaasir Biixi Soofe.

24 February 2017 ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas waxaa uu digreeto xeer  madaxweyne ku soo magcaabay  LR.18 agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Mudane. […]

By |March 3rd, 2017|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Kulan looga hadlayey dardargelinta mashruuca CIP iyo shaqaalaha cusub ee dawladdu qaadanayso oo Garoowe lagu qabtay

Kulamo kala duwan oo wada tashi ah oo looga hadlayey mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista (Capacity Injection Project) ee uu bangiga adduunku ku caawinayo dawladda Puntland ayaa maanta ka qabsoomay xarumaha wasaaradaha Shaqada, shaqaalaha iyo Wasaaradda Qorshaynta.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf oo kulanka hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday marxaladihii uu […]

By |March 3rd, 2017|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Shir lagu daah-furayey wejiga labaad ee tirokoobka shaqaalaha dawladda Puntland oo ka qabsoomay Garoowe

Wasaradda shaqada, shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland Ayaan maanta daahfurtay wejigii labaad ee barnaamijka tiro-koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland, barnaamijkaas oo ujeedkiisu ahaa in dib u habayn lagu sameeyo si rasmi ahna loo tiro koobo guud ahaan shaqaalaha dawladda.

Shirkaan lagu daahfurayey wejiga labaad ee tirokoobka shaqaalaha dawladda oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda […]

By |February 26th, 2017|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Pay-and-Grading-Reform-REOI-

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland oo Muqdisho kulan muhim ah kula qaatay Danjiraha Dawladda Sweden u fadhiya Soomaaliya

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dowladda Puntland Mudane Deeq Sulaymaan Yuusuf oo magaalada Muqdisho arrimo shaqo u jooga ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dowladda Sweden u fadhan dalka Soomaaliya Ambassador Mikael Lundvall.

Agaasimaha iyo danjiraha ayaa kulankooda ku lafo guray arrimo la xiriira siyaasadda Soomaaliya, doorashooyinka, abaaraha kajira Puntland iyo xiriirka ka dhexeeya dowladda Sweden iyo […]

By |February 4th, 2017|Latest News, News, Puntland, Puntland News, State News|Comments Off

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo Tababar u furtay Agaasimeyaal cusub

Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa maanta tababar la xiriira dardargelinta shaqada xafiisyada dowladda u qabatay 6 agaasime waaxeed oo dhowaan loo qaatay Madaxtooyada iyo hay’adda shaqaalaha rayidka ah iyo sidoo kale xoghayno loo qaatay mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista dowladda Puntland ee Capacity Injection Project (CIP), kuwaas oo ka hawl-geli doona Wasaaradda […]

By |January 26th, 2017|Latest News, News, Puntland News, State News|Comments Off

WARBIXIN+SAWIRRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Ka Qayb Galay Shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee Maanta Ka Furmay Muqdisho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 06 September, 2016 waxaa uu ka qayb galay shirka Madasha Wada Tashiga Qaran ee doorashada Soomaaliya, kulankaas oo ka furmay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ,Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya […]

By |September 6th, 2016|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

WARBIXIN+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta 05 September, 2016 waxay safar shaqo ugu anba bexeen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkeena Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho Aadan Cadde Airport ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey wafdiga Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana soo dhoweyntaasi ka […]

By |September 6th, 2016|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

War-murtiyeed+Sawirro: Halkaan ka Akhriso Qodobada War-murtiyeedkii Kasoo baxay shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee Maanta lagu soo xiray Magaalada Muqdisho.

1. Muddada Xil-heynta laamaha Dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya

“Madasha Hoggaanka Qaran ka dib markii ay aragtay jedwalka hirgelinta doorashada 2016 ee ay soo gudbiyeen Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD), isla markaana arkeen Qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee qeexaya in laamaha dowladda Federaalka ee Jamhuuriyaddu ay ku kooban tahay afar (4) sano oo ka […]

By |August 11th, 2016|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

XOG+SAWIRO:- Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Gaari Abaal Marin ah Guddoonsiiyey Ardaygii Ugu Sarreeyey Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare ee Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 30 July, 2016 kulan soo dhoweyn iyo dhiirri gelin ah la qaatay 13-kii arday ee ugu sarreeyey imtixaankii shahaadiga ahaa e dugsiyada sare ee Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2015-2016.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland, Wasiir ku-xigeenka wax-barashada, Wasiir […]

By |July 30th, 2016|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off