DAWLADDA PUNTLAND OO SOO BANDHIGTAY NATIIJADA IMTIXAANKII LOOGU TARTAMAYEY SHAQAALAHA DAWLADDA
Munaasabad lagu soo bandhigayey natiijada imtixaanka dufcaddii labaad (Second wave) ee u tartamaysey imtixaankii ay soo dhejisey dawladda Puntland ee loogu tartamayey kamid noqoshada shaqaalaha cusub ee ay dawladdu qaadanayso ayaa maanta lagu qabtay xarunta hay’adda PDRC ee Garoowe.
Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, guddigii imtixaanka qaadayey, guddiga xallinta […]