Puntland State of Somalia – State News




State News

Hay’ado cusub ka faa’iideysan doona Mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland

Shir ballaaran oo looga arrinsanayey barnaamijka dib u qaabaynta iyo dib u casriyaynta Wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda Puntland oo ay iska kaashanayeen Wasaaradda Shaqa iyo Mashruuca tayanta shaqaalaha ee CIP ayaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhallinyarada iyo ciyaaraha dawladda Puntland.

Waxaana kasoo qayb galay kulanka 20 kamid ah xarumaha dawladda oo isugu jira […]

By |June 7th, 2018|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Qaybo kamid ah hay’adaha dawladda Puntland oo dib u casriyayn lagu samaynayo

Kulankaan oo saaka ka furmay Xarunta Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Puntland ayaa waxaa looga hadlayey furitaanka wejiga saddexaad ee dib u casriyaynta iyo dib u qaabaynta hay’adaha dawladda iyo wasaaradaha dawladda ee aan qaybta ka ahayn labadii weji ee hore.

Wasaaradaha dib u eegista lagu samaynayo ayaa waxaa kamid ah Wasaaradaha kala ah  Dastuurka, Warfaafinta, Caddaaladda, […]

By |May 24th, 2018|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Shir looga arrinsanayey dejinta siyaasad muhim u ah shaqaala dawladda Puntland oo lasoo af-meeray

Shirkaan oo noqonay kii afraad ee noociisa ah isla markaana dabo jooga saddex shir oo isaga ka horreeyey oo looga arrinsanayey dejinta siyaad lagula soconayo hannaanka shaqo gudasho ee shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ayaa maanta lagu soo gunaanadayaa magaalada Garoowe, waxaana shirkaani shir furay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah Mustafe Saciid Shabac waxaa isaguna […]

By |May 6th, 2018|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda Puntland oo Garoowe shir uga furmay

Kulan ay magaalada Garoowe ku yeesheen dhammaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda Puntland ee ka faa’iideysanaya mashruuca tayaynta shaqaalaha iyo hay’adaha aan  qaybta ka ahayn Mashruuca ayaa saaka ka qabsoomay Wasaaradda Qorshaynta Puntland.

Kulanka ayaa dabo joogey mid isaga ka horreeyey oo looga hadlayey dejinta siyaasad lagula socon doono tayada shaqo gudashada shaqaalaha rayidka […]

By |May 3rd, 2018|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

DAWLADDA PUNTLAND OO SOO BANDHIGTAY NATIIJADA IMTIXAANKII LOOGU TARTAMAYEY SHAQAALAHA DAWLADDA

Munaasabad lagu soo bandhigayey natiijada imtixaanka dufcaddii labaad (Second wave) ee u tartamaysey imtixaankii ay soo dhejisey dawladda Puntland ee loogu tartamayey kamid noqoshada shaqaalaha cusub ee ay dawladdu qaadanayso ayaa maanta lagu qabtay xarunta hay’adda PDRC ee Garoowe.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, guddigii imtixaanka qaadayey, guddiga xallinta […]

By |April 29th, 2018|News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Shirkii Sannadlaha ahaa ee Mashruuca tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland oo Garoowe Ka furmay

Shirkii sannadlaha ahaa mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista ee uu baanka adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ee Capacity Injection Project (CIP) ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Shirka ayaa waxaa shir guddoominayey Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Cabdinaasir Biixi Soof, waxaana goob joog ka ahaa Mr Alex oo ah Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya […]

By |April 24th, 2018|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Shirweynaha Madasha bandhigga tayada maamul ee hay’adaha dawladda Puntland oo Garoowe ka furmay

Shirweynaha Madasha bandhigga tayada Maamul ee Hay’adaha dawladda Puntland ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe waxaan shirkaasi furay Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland ahna kusimaha madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji cumar Camey.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socdey  goleyaasha dawladda Puntland, Xubno meteleyey dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada, masuuliyiin iyo shaqaale ka hawl-gala hay’adaha […]

By |April 21st, 2018|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Sawirro: Madaxtooyada Dawladda Puntland oo laga qaaday Sawirro aad u qurxoon

Madaxtooyada dawladda Puntland oo uu dhismeheeda iyo dhagax dhiggeedaba lahaa Madaxweynihii hore ee dawladda Puntland  Dr Faroole ayaa intii uu xilka hayey Madaxweyne Gaas waxaa lagu sooo kordhiyey waxqabaddo aad u wanaagsan  kuwaas oo la xiriira horumarinta waddooyinka madaxtooyada gudeheeda iyo dhismaha waddada isku xidha  magaalada iyo xarunta Madaxtooya.

sidoo kale waxaa wax badan laga beddeley […]

By |April 7th, 2018|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Shir looga hadlayey shaqo gudashada shaqaalaha dawladda oo Garoowe lagu qabtay

Shir looga arrinsanayey sidii loo samayn lahaa nidaam lagula socda shaqo gudashada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe, waxaana shirkaasi guddoominayey guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland Mustafa Siciid Shabac.

Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo metelayey dhammaan hay’adaha kala duwan ee dawladda kuwaas oo isugu jirey Agaasimeyaal […]

By |March 22nd, 2018|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Wasaaradda Qorshaynaynta dawladda Puntland oo Tababar u qabatay qayb kamid ah shaqaalaha dawladda

Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Puntland ayaa tababar la xiriira hannaanka Qiimaynta iyo Kormeerrada (Monitoring and Evaluation) u qabatay shaqaalaha  hay’adaha kala duwan ee dawladda u qaabilsan Qiimaynta iyo kormeerrada.

Shaqaalahaan ayaa waxaa lagu tababarayey  sida loo isticmaali doono habraacyo la xiriira hannaanka Qiimaynta iyo Kormeerrada ama (M&E Framework) kaas oo dhowaan la dejiyey […]

By |February 8th, 2018|Latest News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off