Puntland State of Somalia – News




Xubno u tartamayey cidda noqonaysa Agaasimaha Mac-hadka shaqaalaha Puntland oo maanta laga qaaday Imtixaankii Afka ahaa

Xarunta hay’adda  shaqaalaha rayidka ee dawladda Puntland ayaa maanta lagu qaaday imixaankii  afka ahaa (Interview)-ga ee loogu tartamayey qofka noqon doona agaasimaha guud ee Mac-hadka Tababarrada shaqaalaha rayidka ah ee dawladda.

Tababarka ayaa waxaa soo xaadiray dhammaan tartaayaashii iyadoo si toos ah loo weydiinayey su’aalo afka ah oo la xiriira aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin […]

By |November 30th, 2017|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Shir looga hadlayey tiro-koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland oo Garoowe kusoo xirmay

Shirkaan oo  muddo saddex maalmood ah ka soconayey xarunta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa lagu lafo gurayey natiijadii kasoo baxday barnaamijkii tiro koobka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland.

Guddiga tirokoobka shaqaalaha dawladda ayaa soo bandhigay xog rasmi ah oo muujinaysa shaqaalaha rayidka ah ee dawladda kuwaas oo ku kala sugan dhammaan xarumaha […]

By |November 30th, 2017|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Shir looga hadlayey hannaanka Xifdinta iyo Kaydinta Xogta Dawladda oo Garoowe lagu soo xiray

Waxaa maanta lagu soo gebo-gebeeyey  Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Puntland shir muddo afar maal mood ah uga socdey  dawladda Puntland iyo khuburo ka socotey Baanka Adduunka oo lagu gorfaynayey siyaasado dhaxal u ah dawladda Puntland.

Ajandaha ugu weyn ee shirka ayaa ahaa in la faaf-reebo siyaasadda hannaanka Xifdinta,  maamulidda  iyo kaydinta xogta dawladda […]

By |November 29th, 2017|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Tartan furan oo loo galay cidda noqonaysa Agaasimaha guud ee Mac-hadka Tababarka shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa manta qaaday imtixaan loo geleyey booska Agaasimaha guud ee Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladda oo dhowaan laga hirgeliyey xarunta  Jaamacadda Puntland State ee magaalada Garoowe.

Imtixaanka oo ahaa mid loo qaadayey hannaan Electronic ah si looga fogaado wax walba oo keeni kara mugdi isla markaana hoos u dhigi kara kalsoonida […]

By |November 29th, 2017|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news|Comments Off

Shir Lagu soo bandhigayey natiijadii ka dhalatay Tirokoobka shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Barnaamijka hubinta iyo tirokoobka shaqaalaha dawladda Puntland( HR Audit)  oo saconayey muddo afar bilood ah islamarkaana lagasoo sameeyey dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda ee ku kala sugan sagaalka gobol ee Puntland ayaa manta natiijadiisii lagusoo bandhigay Xarunta WasaaraddaShaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland.

Shirkaayaawaxaakasooqaybgalay  WasiirkaShaqadaiyoshaqaalaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan SheekhAxmed, ku-xigeenkiisa Mudane Cabdirisaaq Ismaaciil, Agaasimahaguud ee […]

By |November 27th, 2017|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Dawladda Puntland oo wax ka beddel ku samaysay hannaankii loo qaadi jirey imtixaanka shaqaalaha dawladda

Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland  ayaa qaaday imtixaanka qaytii ugu horreysey ee wejiga labaad ee mashruuuca tayaynta shaqaalaha dawladda Puntland ee uu baanka adduunku ka caawinayo dawladda.

Shaqaalahaan cusub ee imtixaanka u fariistay ayaa ahaa Lataliyayaal (Advisory Positions) ama xeel-dheerayaal kuwaas oo ay dawladdu u doonayso inay laf dhabar u noqdaan dejinta siyaasadaha iyo istaraatiijiyadaha […]

By |November 14th, 2017|News, Puntland, Puntland News, Somali news|Comments Off

Shir loo hadlayey hirgelinta siyaasadaha shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland oo Garoowe kusoo xirmay

Shirkii looga arrinsanayey dejinta siyaasadaha shanta ah ee kala ahaa Siyaasadda haynta iyo xafididda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Staff Retention Policy, Siyaasadda Hawl-gab ka Pension Policy, Siyaasadda kobcinta iyo horumarinta shaqaalaha Career Development Policy,Siyaasadda Hab-dhaqanka Shaqaalaha rayidka ah Civil Service Code of Conduct iyo Siyaasadda ku haboonaanshaha Shaqada Competency Framework Policy ayaa kusoo geba geboobey is afgarad iyo natiijo wanaagsan.

Shirka […]

By |September 9th, 2017|News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off

Shir looga arrinsanayo dejinta dhowr siyaasadood oo lagu hagi doono shaqaalaha Dawladda Puntland oo Garoowe ka socda

Shir wadatashi ah oo muddo Afar maalmood ah ka socon doona Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland loogana wada tashanayo dejinta dhowr siyaasadood oo lagu hagi doono shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland.

Siyaasadahaan laga arrinsanayo ayaa waxay kala ahaayeen; Siyaasadda haynta iyo xafididda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Staff Retention Policy, Siyaasadda Hawl-gab ka Pension […]

By |September 6th, 2017|News, Puntland, Puntland News, Somali news|Comments Off

Madaxda ugu sarraysa Mashruuca CIP oo Soo gaarey Garoowe kulamona la qaatay Xarumo kala duwan oo ka tirsan dawladda.

Madaxda mashruuca Tayaynta  shaqaalaha Rayidka ee  Puntland ( Capacity Injection Project ) ee uu bangiga adduunku ka caawinayo dawladda Puntland ayaa Garoowe ku yimi kormeer la xiriira la socodka Habsami u socodka Mashruuca oo labdii sanno ee lasoo dhaafay ka soconayey Puntland.

Madaxdaan oo uu hoggaaminayey Madaxa Mashruuca CIP ee Soomaaliya Alex Appiah iyo Lucy Musira […]

By |August 24th, 2017|Latest News, News, Puntland, Puntland News, State News|Comments Off

Madaxweynaha Dawladda Puntland Ayaa Soo Kormeeray Garoonka Diyaaradaha Garoowe oo Dhismihiisu Marayo Gebogebo.

Madaxwyenaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 July 2017 soo kormeeray gigida diyaaradaha Garoowe oo dhismihiisu gebogebo marayo.

Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweynaha  ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawadda ee Dawlada Puntland iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin isugu jirey Wasiirro iyo xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, guddoomiyaha gobolka Nugaal iyo masuuliyiin […]

By |July 31st, 2017|Latest News, News, Puntland, Puntland News, Somali news, State News|Comments Off